Caalamka:-Milatariga Iiraan "hadduu Trump dagaal billaabo waan dhamaystiraynaa".
Taliyaha ciidammada gaarka ah ee Iiraan ayaa madaxweyne Trump uga digay in haddii Maraykanku uu weeraro Iiran "ay markaas burburin doonaan waxay isla hayaanba.
Sareeye Gaas Qassem Soleimani ayaa wacad ku maray in haddii Trump uu dagaal billaabo ay dhamaystiri doonto Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Tasnim ee dalka Iiraan.
Arintan ayaa dabo socota Twitterkii xuruufta waawayn lagu soo wada qoray ee Trump uu madaxweynaha Iiraan ugaga digayay in uusan waligii oo dambe u goodiyin Maraykanka.
Xiisadda ayaa cirka isku sii shareeraysa tan iyo markii uu Maraykanku ka baxay heshiiskii Iiraan lala galay 2015kii.
Sareeye Gaas Soleimani oo ah hoggaamiyaha ciidammada Qudus ee dalka Iiraan ayaa laga soo xigtay Khamiistii isaga oo leh "ka askari ahaan, waa waajibaadkayga in aan ka jawaabo waxa dhankaaga ka imanaya.
Ila hadal aniga, ee hala hadlin madaxweynaha [Xasan Raqxaani]. Sumcad ahaanna ma aha in uu madaxweynahanagu kula hadlo.
"Diyaar baan nahay, waliba si aadan malaysan karin. Kaalay diyaar baan kuu nehehee.
"Haddaad dagaal billawdo, waan dhamaystiraynaa. Ma og tahay in dagaalkaas uu burburin doono waxaad leedihiin oo dhan.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay in Madaxweynaha Maraykanku uu adeegsanayo luuqadda lagu adeegsado baararka habeenkii iyo goobaha khamaarka lagu ciyaaro.
Axaddii ayuu Trump Twitterka soo dhigay goodin uu u diray madaxweynaha Iiraan.
To Iranian President Rouhani: NEVER, EVER THREATEN THE UNITED STATES AGAIN OR YOU WILL SUFFER CONSEQUENCES THE LIKES OF WHICH FEW THROUGHOUT HISTORY HAVE EVER SUFFERED BEFORE. WE ARE NO LONGER A COUNTRY THAT WILL STAND FOR YOUR DEMENTED WORDS OF VIOLENCE & DEATH. BE CAUTIOUS!
COLOR US UNIMPRESSED: The world heard even harsher bluster a few months ago. And Iranians have heard them —albeit more civilized ones—for 40 yrs. We’ve been around for millennia & seen fall of empires, incl our own, which lasted more than the life of some countries. BE CAUTIOUS!
Balse labo maalmood ka dib isaga oo la hadlaya askartii hore ee Maraykanka ayuu sheegay in Maraykanku uu doonayo in uu heshiis dhab ah la gaaro Iiraan”.
Twitterka carada ah ee Trump ayaa jawaab u ahaa digniin uu madaxweynaha Iiraan u diray Maraykanka
Caalamka:-Milatariga Iiraan "hadduu Trump dagaal billaabo waan dhamaystiraynaa".
Caalamka:-Milatariga Iiraan "hadduu Trump dagaal billaabo waan dhamaystiraynaa".