Al-shabaab oo xalay weeraray degmada Afgooye

0
Monday July 30, 2018 - 08:22:29 in by salman abdi
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo xalay weeraray degmada Afgooye

    Al-shabaab oo xalay weeraray degmada Afgooye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-shabaab oo xalay weeraray degmada Afgooye

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab xalay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye.

Weerarkan ayaa markiisii hore ku bilaawday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah, waxaana xigay dagaal culus oo fool ka fool ah oo dhaxmaray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo is weydaarsaday hub culus.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo cabsi ku abuuray dadka degmada oo marar badan oo hore oo sidan kale loogu dagaalamay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa wata baaritaanno daba-socda weerarkii xalay sida ay sheegeen dadka degmada.