Warbixin: Fadeexad dul hoganaysa wasaradda horomarinta biyaha Iyo Shaqaale isku degaan ah oo laga caydhiyay wasaaradda.

0
Monday July 30, 2018 - 10:16:43 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Fadeexad dul hoganaysa wasaradda horomarinta biyaha Iyo Shaqaale isku degaan ah oo laga caydhiyay wasaaradda.

    Warbixin diirda saarysa qaab dhismeedka wasardda biyaha ee somaliand oo isu bedashay hay'ad beelaysan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin diirda saarysa qaab dhismeedka wasardda biyaha ee somaliand oo isu bedashay hay'ad beelaysan


sida laga warqabo haykalka guud ee qaranku lee yahay wuxuu salka ku hayaa
nidamka isku dhafka ah ee bulshada qeybeheeda kala duwan.

kaasi oo gundhig utahay inay ka dhex muuqdaan dhamaan deeganada dalku ka koobanyahay.
Si kale hadaynu u dhigno waxa muhiim ah dawladnimadu inay ku dherarnaato halbeeg
mujinaya saamiga tala qaybsiga kaas oo dheliga ka ilaalinaya nidaamka islamarkanaa qurux iyo
dhibarsanaan u horseedaya waaxaha uu qaranku ka koobanyahay.
Intaa markaan ku dhaafo araarta qormadan waxaan jecelahay inaad ila dhugataan biya dhaca
qoraalkayga qalinka iyo halkuu ku qotomo .
madaxwaynaaha jamhuridda Somaliland mud: muuse biixi cabdi dhamaadkii sanadki 2017
markuu doorashada ku guulaystay wuxuu digreeto madxwayne ku magacaabay masuuliyiin
cusub iyadoo wasiir looga dhigay wasardda biyaha saleban cali koore halka agaasime guudna
looga dhigay Jamaal cabdi muuse .
Hadaba ujeedada wasiirka iyo agaasimaha madxwaynuhu u igmaday ayaa waxay ahayd sidii loo
fulin lahaa siyaasada qaranka ee qorshaha horomarinta ee ku wajahan biyaha isla markaana
wasaradu ugu dadaali lahayd sidii shacabku u heli lahayeen biyo nadiif ah oo ku filan.
Balse nasiib daro masuuliyinta loo igmaday wasaraddu waxay qaadeen dhabo kale waxayna
hawlihii kaga mashquuleen siday shaqaalaha wasaradda ukala qaybin lahayeen iyo
cunsurnimo,nacayb ay kula kacaeen shaqalaha wasaradda,hadaba mudooyinkii udanbeyay
hadal haynta ugu badan ee bulshadu falanqaynayeen ayaa waxay tahay ka dib markii ay soo
baxday xil ka qadista afar agaasime waaxeed oo mudo 24 sano ka badan ahaa hawl wadeenada
wasaradda iyadoo lagu bedelay afar qof oo dabada laga keenay oo aan ahayn shaqaale
dowladeed oo ka soo jeeda labada ardaa ee wasiirka iyo agasimaha ookala ah(Nuur axmed iyo
habarcarfaan)

Sidoo kale waxay wasardda ka hirgaliyeen qaab dhismeed cusub oo ku salaysan
habqabyaaladaysan oo ay masuuliyinta ugu saraysay wasardu kula kaceen taas oo mesha ka
saraysa sami qaybsigi,cadaalad iyo sinaanti shaqalaha.
Waxayna arintaasi wasardda biyaha ka dhigtay wasarad yeelatay muuqaal laba beelood oo
kaliya la wareegeen mansabyadii oo kala ah (Nuur axmed iyo habar carfaan),sidoo kale
qorshahan qabiilaysan ee hormuudka u yihiin wasiirka iyo agaasimuhu ayaa waxay eryeen
shaqaale dhan 20 qof halkay hal mar shaqada ka eryeen 7 qof oo ka mida sahaqalaha ugu
aqoonta iyo waayo aragnimada badan wasardda kana soo jeeda beel qudha (habarjeclo)iyadoo
aan loo marin hab waafaqasan nidaamka shaqalaha dawaligaha. shaqaalahas oo dhamaan lagu
bedalay dad debeda laga soo uruuriyay.
Oo ay isku beel yihiin wasiirka iyo agaasimaha guud.
Liiska magacayada qaar ka mida shaqalaha shaqada laga eryay ee isku beesha aha


1 Maxamed Cali samater
2 Faysal Cali Xashi
3 Eng Mukhtar Maxamed Xasan
4 Xasan Cabdi Cali
5 Maxamed Cali Sugule
6 Cali Axmed Cali
7 Bashir Xasan jamac

Hadaba waxaa qormadani idiin balanqaadi doontaa in ay qabyteed 2aad diyaar idanla tahay
liiska ma suuliyiinta iyo shaqaalaah isku taxan man sibyada aanay cid tarixin ee wasaradani ka
koobantahaye kuwasoo wadar ahaan noqanaya in kabadan 20 masuul oo aany haba yartee cidi
tarixin .

Mohamed abdi abdilahi
Afkashacabka/ Hargeysa Office


La socod wacan………………