Daawo: Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland oo kormeeray Beerta Sh Adan EWADA iyo Beero kale oo ku yaalla Gobolka Togdheer
waxaana ugu horeyn kormeerkiisa wasiirku ka bilaabay Beerweyn oo Degaanka Qudhacdheer uu kuleeyahay Guddomiyaha Hayadda EWADA sh aadan xasan siciid, waxana uu wasiirku warbixin ku saabsan sida ay uga faaideysteen saddexdii saacadood ee qodaalka ahayd ee ay dawladdu ugu deeqday Beeralayda Dalka ka dhegaystay shaqaalihii beertaasi iyo guddomiye sheikh aadan.
Isuduwaha Wasaaradda Beeraha Gobolka Togdheer iyo Wasiir axmed muumin seed ayaa iyaguna aad u ammaanay sheikh aadan iyo shaqaalihiisa iyagoo ku dhiirigeliyey Bulshada wax soo saarka Dalka iyo faaidada ay keentay sacaadihii koobnaa ee dawladdu ku dhiirigelinaysay waxsoosaarka beeraha.
Wasiirka Horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed oo ujeedka socodkiisu u kuurgelidda sidii ay beeralayda Togdher uga faaidaysteen saacadihii qodaalka ahaa xukuumaddu ku deeqday ayaa sidoo kale kormeeray Beero ku yaalla deegaanka Beer, iyo weliba kanaalada waraabka beeraha ee degaankaasi.
Daawo: Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland oo kormeeray Beerta Sh Adan EWADA iyo Beero kale oo ku yaalla Gobolka Togdheer
Wasiirka horumarinta beeraha Somaliland Axmed muumin seed iyo wefti uu hogaaminayo oo xalay kusoo hoyday magaalada Burco ayaa saaka kormeer ku maray Kanaalo iyo Beero ku yaalla Degaanada Beer, Qudhacdheer iyo beero kale oo ku hareeraysan Burco,