Golaha Guurtidu Wuxuu Noqon Damal Dalka Looga Taliyi AMA Dalad Lagu Mushahar Qaato
Golaha Guurtidu Wuxuu Noqon Damal Dalka Looga Taliyi AMA Dalad Lagu Mushahar Qaato
"Waxa Ehel,Wehel iyo Hiilba u Ah Qaranka" Jaamac Maxamuud Ismaaciil (Jaamac Yare) Bedbaado waa ta ALLAH, balse sooyaalka taariikhdiisa Waxay Marag Cad U Tahay Inuu Yahay, Geesi,Wuxuu Geesi Ku Yahay,Garashada Samirka Iyo Go,aan Qaadashada,Sadex Wiil Oo Uu Dhalay Ayuu Ku Waayey Dagaalka,Waxaanu Dhaafsaday Nabad,"Ninba Gar-darada Sokeeyaha Gees Biciid Ku Leh"
Xukuumada Somaliland Lagama Filayn Inay Tidhaahdo Waxaan Kafaalo Qaadnay 30 Caruura Oo Uu Masuul Ka Yahay,Wuu Kan Weyn Yahay Nin U Taliya 30 Qof Wuxuu Muujiyey Inuu Yahay Talaqabeen Qaranku U Baahan Yahay, Oo Laga Faa,iidaysto,Waxay Ahayd In Lagu Daro Golaha Guurtida Somaliland,
Waxa Iga Yaabiyey Oo La Fajacay Hadalkii Badhasaabka Gobolka SANAAG Ee Ahaa,Raashinka Ayaanu Bixinayna,Alle Ugama Soo Dayrin Waa Ku Ceeb Iyo Canbaar In Hadalkaas Oo Kale Laga Maqlo Xukuumada,Raashin Muu Waayin,Oo Alle Ugama Dhowa,Bal Ninka Ku Faanaya $40 Oo Raashina Ayaan Bixinaya Ayaa Xil Ka Haya Xukuumada,Waa Hadal Qiimayntiisu Shacabka Somaliland U Taalo
Tusaale Ayuu U Yahay Kumanaan Ciil Qabe Ah,Oo Waayey Wax Indhaha U Jeexa,Isaga Oo Wax Dili Kara Ayuu Bad-baado Ka Door Biday,Waana Ta Keentay In Reer Ceel-Afweyn Isku Garaabaan Oo Is Garwaaqsadaan,
Xaaji Cabdi-Waraabe Wuxuu Ka Samray 1 Qof Oo Ah Aabihii,Waxaanu Noqday Calaamad Iyo Astaan Laga Tusaale,Qaato,Jaamac Maxamuud Ismaaciil Wuxuu Ka Samray Sadex Wiil,Laba Uu Dhalay Iyo Miduu Adeer U Yahay,Waxaan Qaba Inuu Yahay Laytul Qadar Layna Tusay Basle Aynu Garan Weynay,Waxaan Dawlad Iyo Shacaba Ka Codsanayna In Lagu Daro Golaha Guurtida,"Nin waliba bilaadiisa wuu, barako maalaaye"Bilada Nabada Ee La Gudoonsiiyey Somaliland Hawada Maasho,Ninka Dagaalka Yaqaan Ayaa Nabadana Yaqaan,"Nabad Nabad Nabad Inaga U Baahan"
Hadii Xaaji Jaamac Loo Aqoonsan Waayo Inuu U Qalmo In Golaha Guurtida Lagu Daro,Waxaan Filaya Inaanu Qaranku Nabada Ka Maarmay,Golaha Guurtida Waxaa Ku Jira Ku Dhowaad 40,Xildhibaan Oo Waxay Kusoo Galeen Iyo Waxay Ku Kordhiyeen Midna La Garanayn,Ama Wuxuu Noqon Damal Dalka Looga Taliyo,Ama Dalad Lagu Mushahar Qaato
Qaranimaduu U Hiiliyay, Dadnimaduu U Hiiliyay, Islaam Nimaduu u Hiiliyay
Qalinkii Abdirahmaan Rooble(C/Raxmaan Tiriike)
wariyetiriike@gmail.com
252 4300826/659324073
Golaha Guurtidu Wuxuu Noqon Damal Dalka Looga Taliyi AMA Dalad Lagu Mushahar Qaato
Golaha Guurtidu Wuxuu Noqon Damal Dalka Looga Taliyi AMA Dalad Lagu Mushahar Qaato