War Deg Deg Ah:-Madaxweynaha Somaliland Oo Xukuumadiisa Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Magacaabayna Masuuliyiin Cusub.

0
Tuesday July 31, 2018 - 16:34:38 in by salman abdi
  • Visits: 336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Madaxweynaha Somaliland Oo Xukuumadiisa Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Magacaabayna Masuuliyiin Cusub.

    War Deg Deg Ah:-Madaxweynaha Somaliland Oo Xukuumadiisa Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Magacaabayna Masuuliyiin Cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Madaxweynaha Somaliland Oo Xukuumadiisa Isku Shaandhayn Ku Sameeyey Magacaabayna Masuuliyiin Cusub.

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 31/07/2018

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-172/072018,uu xil ka qaadis,magacaabid iyo isku-bedel ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumaddiisa.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

1.In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

Tir

Magaca

Xilka

1.

Admiral Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha

2.

Mustafe Godane Cali Bile

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska

3.

Cabdirashiid Xuseen Cabdille Gargaar

Guddoomiyaha Gobolka Sool

4.

Amaal Cabdi Xasan

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay'adda Dhawrista Tayada

[

2.In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas'uuliyiintan u beddelo xilalkan:

Tir

Magaca

Xilka

1.

Admiral Guuto CabdiXirsi Ducaale

La-taliyaha Madaxweynaha ee Maamulka iyo Amniga Badda

2.

Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

 

 

Ujeeddo:Xil Ka-qaadis

1.Ku: Mudane Cali Maxamed Cali Nuur,

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Og: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Mudane,

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

 

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi oo ah Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

 

Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta in uu u kala wareejiyo labada mas'uul xilka, sida ugu dhakhsaha badan.

 

 

 

 

 

 

 

 

2.Ku: Mudane Cabdi KhayreDirir,

Guddoomiyaha Gobolka Sool

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudane,

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Guddoomiyaha Gobolka Sool.

 

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar) oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool.

 

Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu u kala wareejiyo xilka labada mas'uul, sida ugu dhakhsaha badan.

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 



 



Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa - Republic of Somaliland