Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada Buuhoodle kaddib Qaraxii ka dhacay fiidnimadii xalay

0
Thursday August 02, 2018 - 09:22:59 in by salman abdi
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada Buuhoodle kaddib Qaraxii ka dhacay fiidnimadii xalay

    Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada Buuhoodle kaddib Qaraxii ka dhacay fiidnimadii xalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu danbeeyay xaalada magaalada Buuhoodle kaddib Qaraxii ka dhacay fiidnimadii xalay

Qof isku so xiray walxaha Qarxa ayaa fiidnimadii xalay ku dilay magaalada Buuhoodle sida saddex ruux oo labo ka mid ahaayeen mas’uuliyiin horey xilal u soo qabtay.

Dadka qaraxii xalay ku dhintay waxaa ka mid ahaa Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Maxamed Cali oo la taliye u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Gaarigii ay la socdeen ayaa la sheegay in uu bartilmaameedsaday qof ismiidaamiye ahaa xili ay ka soo baxeen masjid aan ka fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay.

Magaalada ayaa gashay xalay xaalada Bandow ah mana jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo magaalada guheeda ah, waxaana la arkayay ciidamo aad hubeysan oo howlgal sameynaya.

Qaraxan xalay lagu dilay mas’uuliyiintan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca Buuhoodle.