Caalamka: Kulan mar kale dhex mari doona Madaxweynayaasha Trump Iyo Kim John Un iyo xilliga ay Kulmi Doonaan

0
Saturday August 04, 2018 - 08:34:29 in by salman abdi
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka: Kulan mar kale dhex mari doona Madaxweynayaasha Trump Iyo Kim John Un iyo xilliga ay Kulmi Doonaan

    Madaxweynaha dalka Mareykanka DonaldTrump ayaa sheegay inuu la kulmi doono Kim Jong-un, waxa uuna sidoo kale u mahadceliyey Kim kaddib markii uu ku soo wareejiyey haraaga lafihii askartii ku dhintay dagaaladii Kuuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Mareykanka DonaldTrump ayaa sheegay inuu la kulmi doono Kim Jong-un, waxa uuna sidoo kale u mahadceliyey Kim kaddib markii uu ku soo wareejiyey haraaga lafihii askartii ku dhintay dagaaladii Kuuriya.

Kim iyo Trump

Qoraal uu ku shaaciyey barta twitter-ka waxa uu Trump hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ugu mahadceliyey "warqaddii wanaagsanayd", isagoo aan ka bixinin wax faahfaahin.

Bishii la soo dhaafay , warbaahinta qaranka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in Mr Kim uu aqbalay casuumaaddii ooga timid Mr Trump ee ahayd in uu Maraykanka booqasho ku tago. Ma jirin wax taariikh ah oo lagu dhawaaqay.


Bayaan khamiistii laga soo saaray Aqalka Cad, ayaa lagu sheegay in qoraalka Trump uu ka hadlayey fariimo uu ka helay Mr Kim kowdii bisha August.


Soo celinta haraagii lafaha dadkii Mareykanka oga dhintay dagaalka ayaa labada hoggaamiye waxay ku heshiiyeen kulankoodii qabsoomay bishii June oo lagu qabtay Singapore.


Ciidamada Mareykanka oo ka dhoofay xarunta ciidamada badda ee ku taala Kuuriyada Koonfureed ayaa sanduuq kasta waxaa ku jiray calan, waxaana lagu waday diyaarad milateri.