Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Ay Kuuriyada Waqooyi  sii waddo barnaamijka nukliyerka.

0
Saturday August 04, 2018 - 11:58:43 in by salman abdi
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Ay Kuuriyada Waqooyi  sii waddo barnaamijka nukliyerka.

    Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Ay Kuuriyada Waqooyi  sii waddo barnaamijka nukliyerka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Ay Kuuriyada Waqooyi  sii waddo barnaamijka nukliyerka.

Warbixin ay soo saareen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay sii waddo horumarinta barnaamijkeeda nukliyerka islamarkaasna aysan joojin.

Xukuumadda Pyongyang ayaa la sheegay in si sharci darro ah ay kusoo dhoofsanayso shidaalka sidoo kalena ay hub ka iibinayso dalalka dibadda.

Warbixinta oo ahayd mid xasaasi ah oo ay sameeyeen khuburro madax bannaan ayaa Jimcihii u gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay isku dayday ina hubka fudud iyo qalabka militari ay ugu dhiibto kooxo shisheeye si ay ugu gudbiyaan dalalka Liibiya, Yemen iyo Suudaan.

Kuuriyada Waqooyi ilaa hadda wax jawaab ah kama aysan bixin warbixinta.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii saraakiil Amerikaan ah ay sheegeen in Kuuriyada Waqooyi ay u muuqato inay samaynayso hub cusub oo baalistiga ah.

Kulankii hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka waxyaabihii ay isku afgarteen waxaa kamid ahaa in hubka nukliyerka laga ciribtiro gobolka.

Kuuriyada Waqooyi waxaa saaraan cunaqabtayno caalami oo lagu cadaadinaya inay joojiso barnaamijka nukliyerka iyo tijaabada gantaallada.


Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Mareykanka uu filayo in Ruushka uu u hoggaansami doono dhaqan gelinta cunaqabataynta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee saaran Kuuriyada Waqooyi.

Pompeo wuxuu sheegay inuu arkay warbixinno muujinaya in Ruushka uu muwaadiniin kasoo jeeda Kuuriyada Waqooyi uu u ogolaanaya inay ka shaqeeyaan gudaha dalka Ruushka.

Xogahayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay si dhab ah ula tacaali doonaan tallaabo kasta oo caqabad ku noqoto cunaqabataynada.