Hargeisa:-Xukuumad Somaliland Sidee Ayey U Aragtaa Isbadalada Siyaasadeed Ee Ka Socda GeeskaAfrika.

0
Saturday August 04, 2018 - 11:58:43 in by salman abdi
  • Visits: 527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Xukuumad Somaliland Sidee Ayey U Aragtaa Isbadalada Siyaasadeed Ee Ka Socda GeeskaAfrika.

    Hargeisa:-Xukuumad Somaliland Sidee Ayey U Aragtaa Isbadalada Siyaasadeed Ee Ka Socda GeeskaAfrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Xukuumad Somaliland Sidee Ayey U Aragtaa Isbadalada Siyaasadeed Ee Ka Socda GeeskaAfrika.

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay xiisada iyo is bedelka Siyaasadeed ee ka bilaabay Wadamada Geeska Afrika, gaar ahaan walaaca Jabuuti ay ka qabto heshiiska Itoobiya iyo Alatariya, iyo hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Farmaajo, ee uu ku codsaday in Alatariya laga qaado cuna qabatayna dhinaca Hubka, waxayna Xukuumadda Somaliland, in mawqifkeedu yahay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka ka dhex taagan Mandaqada.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Dimuqraadiyada, Ictiraaf raadinta iyo qodobadii ka soo baxay Shirkii Ceel-afweyn, waxaanu ugu horeyn uu yidhi "Itoobiya iyo Ereteriya oo kale, inaguna


ma odhan karno Ereteriya ayeynu la soconaa , mana odhan karno Caalamku ha jabiyo cuna qabataynta hubka ee saaran, beri baa la heshiin karayaa, adigaana gooni u baxaaya,inagu Somaliland ahaan nabad kasta oo ku soo korodha geeska weynu soo dhaweeynaynaa, Somaliland waxay u taagan tahay nabad iyo horumar, dagaal, qas xumaan iyo colada midna uma taagnin, cidii ay wax dhex maraana, waxaanu jece lahay in si nabadgalyo leh oo walaaltinimo leh waxooda ku dhamaystaan, mawqifkeenuna waxa weeye inaynu Wadamada aynu jaarka nahay iyo kuwa kale ee Caalamkaba inaynu si fiican ula macaamilno, wixii horumar ah ee ku soo kordha madnaqadana weynu soo dhaweeynaynaa”.

 

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Dimuqraadiyada ayaa yidhi "Somaliland waa dal Dimuqraadiya, oo ay ka dhaceen Doorashooyin dhawra, oo dadku iskood ugu coddeeyeen hadba cida ay rabaan, 27 sanno ee aynu xoriyadeenii dib ugula soo noqonay Somaliya horumar lixaad leh oo dhinaca geedi socodka Dimuqraadiyada ayeynu gaadhnay, maanta waxa qudha ee aynu Caalamka martida ugu nahay waa Ictiraaf, maxa yeelay shuruud kasta oo lagu xidho Ictiraaf weynu buuxinay, markaas insha allaah Ictiraafkuna wuu iman doonaa, dadaalkiisina weynu wadnaa”.