Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Oo Hada La Ogaaday Halka Uu Ku Suigan Yahay+Cida Amaankiisa Ilaalinaysa Oo La Ogaaday.
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Oo Hada La Ogaaday Halka Uu Ku Suigan Yahay+Cida Amaankiisa Ilaalinaysa Oo La Ogaaday. Tan iyo shalay markii ay rabshaduhu kabillowdeen Jigjiga waxaa la isweydiinayey halka uu ku sugan yahay madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar.
Idiris Ismaaciil Cabdi oo ah wasiirka warfaafinta ee DDSI wuxuu BBC u sheegay shalay in madaxweynuhu uu ku sugan yahay madaxtooyada.
Laakinse qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya waxay sheegayeen in Cabdi Maxamuud Cumar ay milaterigu qabteen.
Warkaas cid xaqiijisa ma jirin, ismana soo tarin.
Maantana waxaa la sheegay inuu Cabdi Maxamuud Cumar la kulmay baadariga ugu weyn magaalada Jigjiga, oo uu raalli gelin ka siiyey kaniisad shalay la gubay, hase yeeshee ilo baadariga ku dhow waxay sheegeen in uusan ku qancin raalli gelinta.
Sida muuqata madaxweynaha DDSI Itoobiya wuxuu weli ku sugan yahay gudaha jigjiga, waxaana shalay dad ka tirsan deegaanka ay BBC u sheegeen in intii ay rabshadaha socdeen lagu dhex arkay magaalada.