Hargeisa:-Maxaabiis Ku Muddo Dhaafay Xabsiga Weyn Ee Magaaladda Hargeysa Oo Cuntaddii Joojiyey Iyo Magacyadooda.

0
Monday August 06, 2018 - 13:28:30 in by salman abdi
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Maxaabiis Ku Muddo Dhaafay Xabsiga Weyn Ee Magaaladda Hargeysa Oo Cuntaddii Joojiyey Iyo Magacyadooda.

    Hargeisa:-Maxaabiis Ku Muddo Dhaafay Xabsiga Weyn Ee Magaaladda Hargeysa Oo Cuntaddii Joojiyey Iyo Magacyadooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Maxaabiis Ku Muddo Dhaafay Xabsiga Weyn Ee Magaaladda Hargeysa Oo Cuntaddii Joojiyey Iyo Magacyadooda.

waxaa maalintii labaad cuntadda gabi ahaanba ka soomay sagaal maxbuus oo ku xidhan xabsiga weyn ee magaaladda Hargeysa.

Maxaabiistan cuntadda ka soomay ayaa eheladdooddii noo xaqiijiyeen in ay ka gaddoodsan yihiin caddaalad darro badan oo ay tirsanayaan isla markaana ay ku muddo dhaafeen xabsiga oo ay dhammaysteen xukunkooddii. Maxaabiistan cuntadda ka soontay ayaa lagu soo waramayaa in ay ka go’antahay in ay sii waddaan cunto joojintoodda ilaa ay ka heleyaan caddaalad deeqda isla markaana ay dib u heleyaan xorriyaddooddii.


Maxaabiistan ayaa shalay ku wargaliyay eheladooda oo xabsiga weyn ee magaaladda Hargeysa ku booqday in aan cunto danbe loo keenin oo ay cunto joojin go’aansadeen maalintii sabtidiilasoo dhaafay ee bishu ahayd 4tii Aug 2018.

 

Eheladda maxaabiista ayaa noo sheegay in ay ka xun yihiin go’aanka cunta joojinta isla markaana ay ka codsanayaan xukuumadda talada haysa iyo bahda garsoorka in caddaaladd ay u ehelaan dadkoodda xidhan ee muddo dhaafay. Maxaabiista ayaa baddankoodda loo soo xidhxidhay xiligii xukuumaddii Daahir Riyaale iyagoo loo haystay falal amni darro isla markaana ay ku dhaceen xukunno maxkamaddo oo kala duwanaa; isla markaana ay maxkamadda sare xukunkii kama danbeysta ahaa uu madaxweyne Daahir Rayaale ka khafiifiyey.

Maxaabiistan oo tiro ahaan gaadhaya sagaal maxbuus oo dhamantood muddo dhaaf tirsanaya ayaa eheladdoodu noo sheegeen in ay kala quusteen caddaalad iyo garsoor xalaal ah isla markaana ay in baddan u samrayeen in ay helaan xorriyaddooddii.

Eheladda maxaabiista ayaa sheegay oo tilmaamay in ay dhammaan waaxaha garsoorka ilaa Maxkamadda sare u gudbiyeen kiisaskoodda, muddo sannado ahna ay ka daba wareegayeen in ay helaan dadkoodaas ku xidhan muddo dhaafka in ay dib u helaan xorriyaddooda isla markaanawaxa ay intaas ku dareen in xitaa arrinkoodda ay gaadhsiiyeen xukuumaddii hore ee Siilaanyo.

Eheladdu waxa ay in baddan ku celceliyeen in maxkamadda sare markii uu Aadan Xaaji Cali yimid u ballan qaadday in ay heleyaan caddaalad rasmi ah, balse muddo kadib uu ku wargeliyey in kiiskoodda ay madaxtooyadda la tagaan oo arrinkani magdhow dowladda ahi ka iman karto haddii muddo dhaaf meesha yimaaddo.

Eheladdu waxa ay ugu baaqeen xukuumadda Muuse Biixi iyo bahda garsoorka in caddaalad degdeg ah loo helo maxaabiistaas cunto joojinta sameysay, isla markaana waxa ay xukuumadda u sheegeen in haddii dadkoodu wax ku yeeloobaan ay iyagu mas’uuliyadda qaadayaan.

Waa kuwan maxaabiista iyo mid walba xiligii uu xukunkooddu dhammaaday.

Eng Axmed Cilmi Samatar, Cali Muuse Maxamuud, Daauud Saalax Iidle, Cali Maxamuud Cawale iyo Farxaan Cabdilaahi ayaa Dhammaan waxa lagu xukumay 15 sanno oo xadhig ah isla markaana waxa uu xadhigooddii dhammaaday 30/6/2014.

Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac iyo Cabdiraxmaan Cismaan Yuusuf ayaa lagu xakumay min 10 sanno oo xadhig ah, isla markaana xadhigooddu waxa uu dhammaaday 23/9/2012.

Jaamac Cabdi Ismaaciil iyo Maxamed Cali Ciise ayaa Waxaa lagu xukumay min 20 sanno oo xadhig ah waxaana uu ka dhammaaday xukunkaas 30/6/2018.

Eheladduu waxa ay intaas ku dareen in balanqaadkii caddaaladda ahaa ee uu Madaxweynuhu ku ololeeyey ay uga fadhiyaan in ay fulliyaan.