Qaybtii 2aad Waxqabadkii G/C/risaaq Sh.C/Laahi W/Q C/Kariin Kaariye
qaybta 2aad ee maqaalkan waxaan ku eegi doonaa waxyaabaha wanaagsan ee uu mudanyahay inlagaga daydo gudoomiye cabdirisaaq sh cabdilaahi g/d/, allayday lasoco...........
Hab-dhaqanka awoodeed iyo dabeecada wanaagsani waxay qayb ka tahay hogaamiyaha wanaagsan.
Waxaana lagu tilmaamaa in koritaanka dabeecadaha aadamuhu ay qaadato muddo dheer, inkastoo aan la garan Karin qiyaasta saxda ah ee ay horumarto, haddana waxa lagu qiimeeyaa inay tahay akhlaaqda iyo anshaxa guud ee aad dadka kale u muujiso, taasoo kugu abuurta inaad sawirato waxa ku sugan maskaxda qofka kale, waxaanay tamarta dabeecadu ka timaado maskaxda.
Habdhaqanka aadamaha waxa lagu tilmaamaa inay tahay aqoonta wax barasho ee awoodeedu aadka u sareyso, tamarta hab-dhaqanka waxay ka timaadaa dareenka wanaagsan.
Sidoo kalena hab-dhaqanadaasi waxay noqon karaan kuwo leh awood, ama daciifa, kuwo wanaagsan ama xun, taasoo inta badan lagu tilmaamo in qofka dhaqankiisa aawooda leh ee haddana dabeecadiisu wanaagsan tahay lagu qiimeeyo inuu yahay hogaamiye wanaagsan oo dadkiisa iyo dalkiisaba ku hagi kara mustaqbalka waxa ay aaminsan yihiin.
Haddaba annigoo hore u soo arkay masuuliyiin leh hab-dhaqan wanaagsan-oo uu kow ka yahay cabdirisaaq sh cabdilaahi oohore u ahaa gudoomiyaha degmada ALLAYBADAY imikana ah hore waxaa degmada usoo maray masuuliyiin la hadhay oo ku ciyaaray shumcadii degmada iyo shacabka degan deegaanada hoos yimaadaba kuwaasi oo ka horeeyay kana danbeeyay xilkana hayay muda aad badan
oo kusoo libin laabmaysa inta uu hayay cabdirisaaq sh
taasi oo aan odhankaro ama lagu tilmaami karo inuu yahay masuulkii ugu wax qabadka wanaagsanaa mudadii ay hayeen masuuliyiin tii kale,,, cabdirisaaq sh cabdilaahi oo ah shaqsi aad u dabeecad wanaagsan oo ah nin qabankara xilkasta oo ay umadi u igmato
wuxuuna ilaahay garansiiyay wanaaga iyo mudnaanta ay leedahay in markaad tahay mogaamiye ay mudantahay inaad sixa u gudato xilkaaga diinteena lagu dhaqmo inbadana ilaahay uu inoogu sheegay qur,aaan kariim,ka mar walba iyo talaabada aad qaadayso ku miisaanto ku cabirto maxay ka qabtaa diinteena islaamku,
wuxuuna rajo ka qabaa inuu ku guulaysto horumarinta degmada kii ku qaadankahaa bilad dahab ah,,,,
gudoomiye cabdirisaaq wuxuu mudanyahay in ay ku daydaan rag badan oo ah masuuliyiin ka tirsan dawlada ama xukuumadan muuse biixi taasi oo qofkii kaga daydaa heer ku gaadhi karo dadka u gaadhsiinkarana
hadii ay jiri lahaayeen masuuliyiin badan to dhaqmaysa sida ay diinteenu inoo tilmaantay inaan bari hore gaadhi lahayn aqoonsi caalamiya waxaa haboon inay masuuliyiintu ururiyaan rayiga dad waynaha ayna la tashadaan aqoonyahada iyadoon muujinayd iska waynausiin ay iska waynaysiinayaan dadka danyarta ah iyo dhamaanba shacabka uu markaas hogaanka u hayo isagoo markaa dadka la qaybsanaya marxaladkasta oo ayku suganyihiin bulshadaasi
waxaan jecelahay in aan kuda dayano aniga iyo masuuliyiin ta ka danbaysa cabdirisaaq iyo kuwa kale ee xilka ka haya xukuumada si ay iyagana ugu daydaan dhalinta ka danbaysaa
hadiikale oo aan iskaga dayanwayno wanaaga iyo is hogaaminta wanaagsan waxaa dhici karta in dhalinyarada danbe ay ka fogaadaan wanaaga iyo ku dhaqanka diinta islaamka
cabdirisaaq sh cabdilaahi waa shaqsi ay xusi doonto taariikhdu iyo degmaduba
nin Bari gabyaybaa yidhi
TAGRI FALE WAXAAD TARTAA TAARIIKHDA GALAYA taariikhdaa xusi doonta cabdirisaaq sh la soco qayabta 3 aad
Qaybtii 2aad Waxqabadkii G/C/risaaq Sh.C/Laahi W/Q C/Kariin Kaariye
qaybta 2aad ee maqaalkan waxaan ku eegi doonaa waxyaabaha wanaagsan ee uu mudanyahay inlagaga daydo gudoomiye cabdirisaaq sh cabdilaahi g/d/, allayday lasoco...........