Talyaaniga:-Ugu Yaraan Laba Qof Oo Ku Dhintay Dab Gaadhi Ku Qabsaday Dalka Talyaaniga.

0
Wednesday August 08, 2018 - 08:49:08 in by salman abdi
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talyaaniga:-Ugu Yaraan Laba Qof Oo Ku Dhintay Dab Gaadhi Ku Qabsaday Dalka Talyaaniga.

    Talyaaniga:-Ugu Yaraan Laba Qof Oo Ku Dhintay Dab Gaadhi Ku Qabsaday Dalka Talyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talyaaniga:-Ugu Yaraan Laba Qof Oo Ku Dhintay Dab Gaadhi Ku Qabsaday Dalka Talyaaniga.

Booyad iyo gaadhi kale oo isku dhacay iyaga oo maraya waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada Bologna ee waqooyiga dalka Talyaaniga ayaa sababay dab iyo qarax wayn.


Muuqaal ay booliisku baahiyeen ayaa muujiyay booyadda oo dhanka dambe kaga dhacaysa gaariga xamuulka ah, waxaana istaagay adeegsigii waddadaas wayn.

Intaas ka dibna dab ayaa qabsaday, holac wayn ayaana ka kacay, qayb ahaan ayayna u burburtay buundadii ay adeegsanayeen gawaaridaasi.

Labo ruux ayaa dhimatay ugu yaraan 55 ayaana dhaawacantay, sida ay warbaahinta Talyaanigu tabisay.

Dabka ayaa ku faafay goob gawaarida la dhigto oo buundada hoosteeda ahayd, gawaari kale ayaana ku qarxay halkaas.

Booliiska ayaa xiray waddooyin ku yaalla Borgo Panigale oo ah goob ku taalla duleedka magaalada, waxayna sababtay in ay daahaan dad badan oo ka duuli lahaa garoon diyaaradeed oo ka agdhaw goobta shilku ka dhacay kaas oo sii shaqaynayay.

Shilka ayaa ka dhacay isgoyska Casalecchio, kaas oo isku xira A1 iyo A14.

Dadka dhaawacmay badankooda waxaa haleeyay burburka iyo muraayadaha gawaarida qarxay, sida ay ku warrantay warbaahinta Talyaaniga.