War Deg Deg Ah Qarax Hada Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Dhimashada Iyo Dhaawaca.

0
Wednesday August 08, 2018 - 12:51:48 in by salman abdi
  • Visits: 481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Qarax Hada Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Dhimashada Iyo Dhaawaca.

    War Deg Deg Ah Qarax Hada Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Dhimashada Iyo Dhaawaca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah Qarax Hada Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Dhimashada Iyo Dhaawaca.

Wararka naga soo gaaraya xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo marayay Is-goyska SOS.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu ahaa mid loo adeegsaday miino dhulka la galiyay, taasoo lagu weeraray gaadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM oo goobta marayay.

Marka uu qaraxu dhacay kaddib ayaa waxaa bilaabatay rasaas xoogan oo ay fureen ciidamada la weeraray oo mid ka mid ah gaadiidkooda uu qaraxu haleelay.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo rasaasta ay fureen ciidamada, hasse ahaatee dadka deegaanka ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in uu khasaare jiro soo gaaray dad shacab ah laakiin aan dhab ahaan la kala ogeyn dhimasho iyo dhaawac.