Qaza:-Israa'iil oo duqeysay qeybo ka mid ah Qasa.

0
Thursday August 09, 2018 - 09:55:46 in by salman abdi
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaza:-Israa'iil oo duqeysay qeybo ka mid ah Qasa.

    Qaza:-Israa'iil oo duqeysay qeybo ka mid ah Qasa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaza:-Israa'iil oo duqeysay qeybo ka mid ah Qasa.

Israa'iil ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday marinka Qasa kaddib markii 36 gantaal oo laga soo riday dhanka Qasa ay ku dheceen gudaha Israa'iil, kuwaasi oo sida la sheegay ay ku dhaawacmeen laba qof.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kaddib markii maalin ka hor Israa'iil ay dishay laba nin oo ka tirsan garabka hubeysan ee Xamaas.

Duqeymaha Israa'iil ayaa la sheegayaa in lala eegtay goobo dhawr ah sida agagaarka dekadda, xudduudda koonfureed ee Qasa la leedahay Masar iyo saldhig ciidaN oo Xamaas ay ku leedahay woqooyiga Qasa.

Kal hore, Telefishinka Israa'iil ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya guri iyo dhawr baabuur oo la sheegay in ay ku habsadeen sawaariikh Falastiyiniintu ka soo rideen dhanka Qasa oo ku dhacay gudaha magaalada Sderot.

Dhawr gantaal oo kale ayaa sida la sheegay waxaa qabtay oo burburiyay qalabka difaaca gantaalada ee Israa'iil, halka qaar kale ay ku dheceen dhul bannaan ah oo aan la degnayn.

Ururka Xamaas ayaa kal hore ugu hanjabay Israa'iil in ay ka shalayn doonto weerarka ay ku dishay labada nin ee ka tirsanaa dagaalyahannadooda.

Israa'iil ayaa weerarkaasi ku bartilmaameedsatay meel dagaalyahannada Xamaas ay difaac uga jireen kaddib markii sida ay sheegtay rasaas looga soo riday halkaasi.

Warbaahinta Israa'iil iyo tan Falastiyiniinta ayaa labaduna sheegay in rasaastaasi ay ahayd mid ay ku tababaranayeen ciidamada Xamaas.

Rabshadahani ugu dambeeyay ayaa imaanaya xilli la sheegaya in horumar laga gaaray wadahal lagu dhex dhexaadinayay Israa'iil iyo Xamaas oo ay garwadeen ka ahaayeen Masar iyo Qaramada Midoobey.

Ujeedada wadahadalkani ayaa ah in nabad waarta la dhex dhigo Xamaas iyo Israa'iil.