Hargeisa:-Ururada u dooda xuquuqda dumarka Somaliland oo ku baaqay dhaqan gelinta xeerka ka hortagga kufsiga ee Somaliland.

0
Saturday August 11, 2018 - 08:46:52 in by salman abdi
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Ururada u dooda xuquuqda dumarka Somaliland oo ku baaqay dhaqan gelinta xeerka ka hortagga kufsiga ee Somaliland.

    Hargeisa:-Ururada u dooda xuquuqda dumarka Somaliland oo ku baaqay dhaqan gelinta xeerka ka hortagga kufsiga ee Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Ururada u dooda xuquuqda dumarka Somaliland oo ku baaqay dhaqan gelinta xeerka ka hortagga kufsiga ee Somaliland.

Dhamaadkii bishii July ee ina dhaaftay waxa golaha wakiillada Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbaaninada ee Somaliland uu ansixiyey xeerka ka hortaga kufsiga ee Somaliland. Haatan xeerkaasi waxa uu horyaalaa madaxweynaha Somaliland si uu u saxiixo oo uu u noqdo mid sharci ah oo ay tahay in lagu dhaqmo.

Meelmarinta xeerkaa waxa iyaguna aad ugu ololaynayey daladda ururada haweenka Somaliland ku midaysan yihiin ee NAGAAD. Haddaba maadaama uu xeerkii ka soo dhamaaday labada gole ee sharci dejinta lana filayo inuu dhaqan galo maxaa uga qorshaysan urarada haweenka si aanu xeerkani u noqon khad waraq ku qoran?

Weriye Cabdillahi Jaamac ayaa su'aashaasi iyo kuwo kaleba waydiiyey Shukri Xariir Ismaaciil oo ka tirsan masuuliyiinta daladda NAGAAD, waxaanay Shukri ugu horayn ka hadlaysaa muhiimadda xeerkaasi.