Imaaraadka Iyo Ethiopia Oo Galay Heshiis Caqabad Ku Noqon Doona Jabuuti Iyo Waxa Uu Daaren Yahay.

0
Saturday August 11, 2018 - 14:58:54 in by salman abdi
  • Visits: 392
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka Iyo Ethiopia Oo Galay Heshiis Caqabad Ku Noqon Doona Jabuuti Iyo Waxa Uu Daaren Yahay.

    Imaaraadka Iyo Ethiopia Oo Galay Heshiis Caqabad Ku Noqon Doona Jabuuti Iyo Waxa Uu Daaren Yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imaaraadka Iyo Ethiopia Oo Galay Heshiis Caqabad Ku Noqon Doona Jabuuti Iyo Waxa Uu Daaren Yahay.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dhawaan gacan ka geesatay in heshiis taariikhi ah uu dhax maro dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo horey u dhax maray dagaal dhiig badan ku daatay.

 

 

Imaaraatka ayaa qorsheenaya in labada dowladood uu ka caawiyo dhismaha dhuun shidaal oo isku xira labada dal, waxaana dhismaha dhuuntan shidaal noqon doontaa mid faa’iido badan ka helaan labada dal.

 

 

Itoobiya ayaa dhawaan dhulka ay maamusho ee Soomaali Galbeed kasoo saartay saliid, waxaana muhiim ah in ay hesho Itoobiya meel ay ka dhoofiso shidaalkaasi dhulkeeda laga helay.

 

 

Dowlada Imaaraadka ayaa hada wada qorshe ay ku dhiseyo dhuun shidaal oo isku xireysamagaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo magaalada Dekeda leh ee Assab ee dalka Eritrea.

 

 

Qorshahan lagu dhisayo dhuunta Shidaal ee isku xiraya Itoobiya iyo Eritrea waxaa dhawaan kawada hadlayRa’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Wasiiru dowlaha arrimaha Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka Carabta Reem Al Hashimy.

 

 

 

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa u muuqata mid saameyn weyn xiligan ku yeelaneysa geeska Afrika, waxa ayna dowlada kasoo shaqeesay heshiiska taariikhda galay ee Itoobiya iyo Eritrea dhax maray.