Wasiir Muddo XIlka Hayay Oo Maanta La Dhaariyay Iyo Ciida Uu Ku Soo Dhex Dhuuntay.

0
Sunday August 12, 2018 - 13:07:51 in by salman abdi
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Muddo XIlka Hayay Oo Maanta La Dhaariyay Iyo Ciida Uu Ku Soo Dhex Dhuuntay.

    Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Dhaariyey Wasiir Mudo 9 Bilooda Xilka Hayey,Kana Soo Dhex Muuqday Madal Lagu Dhaarinaayey Gudida Xuquuqal Insaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Dhaariyey Wasiir Mudo 9 Bilooda Xilka Hayey,Kana Soo Dhex Muuqday Madal Lagu Dhaarinaayey Gudida Xuquuqal Insaanka
Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Dhaariyey Wasiir Mudo 9 Bilooda Xilka Hayey,Kana Soo Dhex Muuqday Madal Lagu Dhaarinaayey Gudida Xuquuqal Insaanka

Xubnaha guddida heer qaran ee Xuquuqal Insaanka qaranka, ayaa maanta si rasmi ah loo mariyey dhaarta dastuuriga ah, waxaana madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kadib waxa uu dardaaran muhiim ah u jeediyey xubnaha guddida xuquuqal insaanka ee heer qaran,isaga oo ku adkeeyey inay dadka iyo dawladda dhex u ahaadaan, una hoggaansamaan dhaarta Kitaabka Eebbe ee lagu dhaariyey, waxana uu yidhi, "Hay’adaha dawladda qaar badan buu dastuurku ku waajibiyey dhaar, insha Allah dhaartaas ayeynu ku wada dhaqmi doonnaa, dhammaanteenna waa la ina wada dhaariyey, Ilaahay waxan ka rajaynayaa, dhaartaasna aynu ku dhaqanno, waxa inoo ballan ah dawladda iyo dadka dhex baad u ahaan doontaan, dawladda loo eexan maayo, annaguna waanu dacwoon karnaa, cidna dulmi maynee xaq baynu ilaalinaynaa iyo sharciga.

 

Wasiirka horumarinta biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo ku-xigeenka hanta-dhawraha guud ee qaranka, Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, ayaa iyagana isla maanta lamariyey dhaarta dastuuriga ah ee ku waajibtay.

 

Qodobka 129-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waajibinaya dhaarta distuuriga ah ee la mariyo masuuliyiinta qaranka xilalka muhiimka ah u haya, waxana xubnahani ay maanta waafaqeen tilmaaha uu qodobkaasi waajibinayo.

https://youtu.be/rBZP-AtoLNs

Wab-bilaahi Tawiiq