War Deg Deg Ah Madaxweyne Muuse Biixi Oo Iminka Magacaabis Sameeyey Iyo Isku Shaan Dhayn Ku Sameeyay Xukuumadiisa+Masuulliyinta La Magacabay

0
Monday August 13, 2018 - 15:44:30 in by salman abdi
  • Visits: 924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Madaxweyne Muuse Biixi Oo Iminka Magacaabis Sameeyey Iyo Isku Shaan Dhayn Ku Sameeyay Xukuumadiisa+Masuulliyinta La Magacabay

    War Deg Deg Ah Madaxweyne Muuse Biixi Oo Iminka Magacaabis Sameeyey Iyo Isku Shaan Dhayn Ku Sameeyay Xukuumadiisa+Masuulliyinta La Magacabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah Madaxweyne Muuse Biixi Oo Iminka Magacaabis Sameeyey Iyo Isku Shaan Dhayn Ku Sameeyay Xukuumadiisa+Masuulliyinta La Magacabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-179/082018, uu maanta ku magacaabay masuuliyiin cusub.


 

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-


Wareegto Madaxweyne

Magacaabid


Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;


Waxaan Go’aamiyey;


In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:


1. Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya.

2. Xasan Hirad Yaasiin Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta.

3. Bashiir Sheekh Cumar Good Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka.

4. Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar) Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC) .

5. Xasan Axmed Ibraahin (Embassy) Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.


Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf).