Caalamka:-Madaxweynaha Dalka Turkiga oo sii daayay askar Giriig ah

0
Wednesday August 15, 2018 - 08:50:33 in by salman abdi
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Madaxweynaha Dalka Turkiga oo sii daayay askar Giriig ah

    Caalamka:-Madaxweynaha Dalka Turkiga oo sii daayay askar Giriig ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Madaxweynaha Dalka Turkiga oo sii daayay askar Giriig ah

Laba askari oo Giriig ah oo shanti bilood ee lasoo dhaafay ku xirnaa dalka Turkiga ayaa la sii daayay oo hadda dib ugu laabtay dalkooda.

Labada askari oo kala ah darajooyinka xiddigle iyo saajin ayaa waxaa shalay sii deysay maxkamad ku taal magaalada Ankara, waxaana lagu qaaday diyaarad ay leedahay dowladda Giriigga taasoo geysay magaalada Thessaloniki.

Askarta ayaa sheegay in bishii Maarso ay si aan ula kac lahayn ugu soo gudbeen soohdinta Turkiga xilligaasi oo ay ku daba jireen dad looga shakisan yahay inay sharci darro ku gali rabeen Giriigga.

Turkiga ayaa diidday sheegashadooda, waxaana uu ku tuhmay inay ahaayeen basaasiin milateri ah.

Xariga askartaasi ayaa xiisad diblomaasi ka dhex abuuray labada dal ee ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO, balse uu ka dhexeeyo xifiltan muddo dheer socday.

Ra'iisal wasaaraha Giriigga, Alexis Tsipras, ayaa soo dhaweeyay siideynta askartaasi, waxaana uu ku tilmaamay fal cadaalad ah.