Maraykanka:-Maxey Soomaalida uga dhiggan tahay doorashada is reeb-reebka dalka Mareykanka

0
Wednesday August 15, 2018 - 08:50:33 in by salman abdi
  • Visits: 432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka:-Maxey Soomaalida uga dhiggan tahay doorashada is reeb-reebka dalka Mareykanka

    Maraykanka:-Maxey Soomaalida uga dhiggan tahay doorashada is reeb-reebka dalka Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maraykanka:-Maxey Soomaalida uga dhiggan tahay doorashada is reeb-reebka dalka Mareykanka

Labo Gabdhood oo Soomaali ah ayaa ku soo baxay doorashada hore ee is reebreebka dalka Mareykanka, waxaana ay Ilhaan Cumar ku soo baxday kursigii uu banneeyay Ken Olson ee Congress -ka Mareykanka iyada oo ka soo baxday xisbiga Dimuquraadiga.

Is reeb-reebka doorasho ee xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga ee gobolka Minnesota ayaa la oran karaa waa mid uga dhigan Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka guul weyn oo taariikhi ah kaddib markii ay ka soo dhax baxeen saddex ruux oo Soomaali ah oo labo ka mid yihiin Gabdho.

Sidoo kale Gabadha lgu magacaabo Hodan Xasan ayaa ku soo baxday golaha Congress-ka gobolka Minnesota iyo halka Maxamuud Nuur oo ku guuleystay kursigii ay horey u baneysay Ilhaan.

Ilhaan Cumar ayaa heshay codadkii la dhiibtay 59,322 oo u dhiganta 48.1%, sida lagu sheegay natiijada oo markii dambe la soo dhejiyay.

Ilhaan Cumar oo la hadashay VOA ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay guushan, waxayna tilmaamtay inay guushaan gaarto inay ugu suuragashay isku duubni iyo inay sameysay balan qaadyo ah inay wax badan ka qaban doonto caqabadaha heysta Soomaalida.

Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa aad u soo dhaweeyay guusha ay soo hoyeen Saddexdan qof ee Soomaaliyeed, maadaama mararka qaar dalka Mareykanka ay ka dhacaan falal ku saabsan isir naceybka, taasi ayay aaminsan yihiin inay wax badan ka qaban doonaan.

Ilhaan ayaa sheegtay in haddii ay tagto Washington ka shaqeyn doonto cadaallada in ay ummada loo adeego waxaana ay guul ka rajeysay doorashada danbe waxaana ay la tartami doontaa qofka ka soo baxa dhinaca Jamhuuriga, iyadoo kursigan loo tartamayo uu yahay kursigii uu banneeyayKeith Ellison

Guud ahaan marka la eego dhalinyaradan Soomaalida ee taariikhda ka sameynaya doorashada dalka Mareykanka waa kuwo markoodii hore dalkaasi tagay iyaga oo qaxooti ah, waxaana ay taa ka marakaceysaa halka uu gaarsiisan yahay hanka qofka Soomaaliga ah iyo in uu gaari karo halkii uu doono.