Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab

0
Thursday August 16, 2018 - 08:47:45 in by salman abdi
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab

    Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal ka dilay 11 dagaalyahan oo ay ka mid ahaayeen xubno sar sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada dowladda.

Taliyaha qeybta 43 ee ciidamada xoogga dalka Maxamed Buule ayaa sheegay in howlgalkan oo laga fuliyay deegaannada Muuse Xaaji iyo Araare ee dowlad deegaanka Jubbaland sidoo kale lagu dhaawacmay xubno kala duwan oo ka tirsan Al-shabaab.

‘’Saraakiishan lagu dilay howlgalka mid ka mid ah waa ajnabi ka soo jeeda dalka Kenya, waxaana sidoo kale howlgalka lagu dhaawacay dagaalyahanno kale oo ka tirsanaa isla Ururka Al-shabaab ayuu yiri Buule.

Laakiin ma uusan sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray ciidamada dowladda intii uu socday howlgalkan.

Ciidamada dowladda oo garab militeri ka helaya howlgalka midowga Africa ayaa maalmihii ugu danbeeyay-ba weerarro kala duwan ku qaadayay fariisimaha Ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya