Itoobiya:-Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Xidhiidhka Ay La Leedahay Dalka Djibouti

0
Thursday August 16, 2018 - 12:58:35 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya:-Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashay Xidhiidhka Ay La Leedahay Dalka Djibouti

    Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya, Workneh Gebeyehu ayaa sheegay in cilaaqaadka ay la leeyihiin Jabuuti kor loo qaadi doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya, Workneh Gebeyehu ayaa sheegay in cilaaqaadka ay la leeyihiin Jabuuti kor loo qaadi doono.

Wasiir Workneh ayaa u gudbiyeydawladda Jabuuti tacsida muwaadiniin lagagadilay magaalada Diridhaba, iyadoo Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed uu horeba dhambaal tacsi ah u diray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.Wasiirka Khaarajiga Itoobiya oo booqasho ku jooga Jabuuti, ayaa warbaahinta u sheegay in iskaashiga Itoobiya iyo Jabuuti aanu ahayn mid ay waxyeeli kartodhacdo, siday werisay walta information oo ka mid ah warbaahinta xisbal-xaakimka EPRDF.

"Dhacdadani ma saamayn kartoxidhiidhka labada bulsho,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya waxaanu tilmaamay in la baadhayo eedaysaneyaasha loo haysto falkaasi, waxaanu xusay inuumaxkamad la horkeeni doono.