Muqdisho:Madaxwaynaha Somaliya Oo Sameeyay Magacaabis Taliyayaal Ciidan,Qaarna Xilka Ka Qaaday -

0
Thursday August 16, 2018 - 13:00:29 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:Madaxwaynaha Somaliya Oo Sameeyay Magacaabis Taliyayaal Ciidan,Qaarna Xilka Ka Qaaday -

    Madax-weynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay taliyayaal ciidan iyo waliba Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madax-weynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay taliyayaal ciidan iyo waliba Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.


Madaxweyne Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen CabdiWali Xusseen Gorad, waxaanan xilkan loo magacaabay Daahir Aadan Cilmi.

Fahad Yaasiin oo horay u ahaa agaasimaha guud ee madaxtooyada ayaa hadda noqonaya ku-xigeenka taliyaha hay’adda sirdoonka Qaranka, halka agaasimaha guud ee madaxtooyada loo magacaabay Dr. Aamina Siciid Cali.


Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.
Hoose ka akhriso magacyada xubnaha la magacaabay iyo kuwa xilalka qaaday :

  1. S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
  2. G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallac-siiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
  3. S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  4. G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  5. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018a waxaa uu Madaxweynuhu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  6. S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
  7. G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
  8. G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda.