Itoobiya:- Maxaa Ka Jira In 40 Qof Ay Dileen Ciidanka Liyuu Police,Dhacdo Xanuun Badan

0
Thursday August 16, 2018 - 13:04:15 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya:- Maxaa Ka Jira In 40 Qof Ay Dileen Ciidanka Liyuu Police,Dhacdo Xanuun Badan

    Maamulka Oromada Ethiopia ayaa sheegay in 40 qof ay ku dhinteen weeraro hor leh oo markale ka dhacay wadanka Itoobiya ee dhaca bariga qaaradda Afrika. Waxay sheegeen in Ciidamada Soomaalida Liyuu Booliska ay xasuuq aan kala sooc laheyn kula kaceen d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Oromada Ethiopia ayaa sheegay in 40 qof ay ku dhinteen weeraro hor leh oo markale ka dhacay wadanka Itoobiya ee dhaca bariga qaaradda Afrika. Waxay sheegeen in Ciidamada Soomaalida Liyuu Booliska ay xasuuq aan kala sooc laheyn kula kaceen dad kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, sida ay hadalka u dhigeen. Weerarkan ayaa ka dhacay deegaannada ku dhow xadbeenaadka ay wadaagaan gobollada Oromia iyo Somaligalbeed. Si kastaba, waxaa soo baxday in mas'uuliyiin ka tirsan Qoomiyada Oromada ay faafiyeen warar aan xaqiiq aheyn oo ku saabsan in weerarkaas lagu dilay ilaa 40 qof oo shacab ah taasoo ah wax ka fog xaqiiqda jirta. Afhayeen u hadlay Maamulka Qoomiyadda Oromada oo lagu magacaaboNegeri Lencho ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen ciidamada Liyuu Boolis lagu dilay 4o qof oo oromo ah halka dadkii kaso badbaaday weerarkaas ay wakaaladaha Wararka u sheegeyn in tiradu tahay 10 qof balse laga badbadinayo. Madaxda faafinayo arrintaan ayaa doonayo inay sare usii qaadaan xurgufta ka dhaxeyso qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida oo hadda gaartay meel sare iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan xasuuqyo kala duwan oo keenay inay dadka barakacaan. Isbuucii lasoo dhaafay tobaneeyo qof Soomaali ah ayaa ku baxay gacanta ciidamada melleteriga itoobiya iyo maleeshiyo daacad u ah maamul goboleedka gobolka Oromia.

Waxay sheegeen in Ciidamada Soomaalida Liyuu Booliska ay xasuuq aan kala sooc laheyn kula kaceen dad kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, sida ay hadalka u dhigeen.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaannada ku dhow xadbeenaadka ay wadaagaan gobollada Oromia iyo Somaligalbeed.

Si kastaba, waxaa soo baxday in mas’uuliyiin ka tirsan Qoomiyada Oromada ay faafiyeen warar aan xaqiiq aheyn oo ku saabsan in weerarkaas lagu dilay ilaa 40 qof oo shacab ah taasoo ah wax ka fog xaqiiqda jirta.

 

Afhayeen u hadlay Maamulka Qoomiyadda Oromada oo lagu magacaaboNegeri Lencho ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen ciidamada Liyuu Boolis lagu dilay 4o qof oo oromo ah halka dadkii kaso badbaaday weerarkaas ay wakaaladaha Wararka u sheegeyn in tiradu tahay 10 qof balse laga badbadinayo.

Madaxda faafinayo arrintaan ayaa doonayo inay sare usii qaadaan xurgufta ka dhaxeyso qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida oo hadda gaartay meel sare iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan xasuuqyo kala duwan oo keenay inay dadka barakacaan.

Isbuucii lasoo dhaafay tobaneeyo qof Soomaali ah ayaa ku baxay gacanta ciidamada melleteriga itoobiya iyo maleeshiyo daacad u ah maamul goboleedka gobolka Oromia.