Hargaysa:-WFP Oo Mucaawino Gaadhsiisay Dadkii Ku Baro Kacay Rabshadihii Jigjiga Ka Dhacay -

0
Thursday August 16, 2018 - 19:53:14 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-WFP Oo Mucaawino Gaadhsiisay Dadkii Ku Baro Kacay Rabshadihii Jigjiga Ka Dhacay -

    Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa sheegtay in ay mucaawinooyin u qaybinayso dadkii ku baro kacay magaaladda Jigjiga rabshadihii dhawaan ka dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa sheegtay in ay mucaawinooyin u qaybinayso dadkii ku baro kacay magaaladda Jigjiga rabshadihii dhawaan ka dhacay.


Dad aad u badan ayaa ku baro kacay rabshadihii ka dhacay Jigjiga, waxaana ay WFP Dadkaasi gaadhsiisay deeqo isugu jira cunto iyo hoy.

Warbaahinta gudaha ee wadanka Ethiopia ayaa sheegtay 80 qof oo ay ku dhinteen rabshadahaasi, halka dadka ku baro kacay isla jigjiga gudaheedana tiradooda la gaadhsiiyay 52,000, kuwaas oo dib u dejin loogu sameeyay saddex xero oo ku yaala Magaaladda Jigjiga.

Kaalmada ay ilaa iminka Magaaladda Jigjiga ku qaybisay WFP ayaa cadadkeeda lagu sheegay in ay gaadhayso 131 metric tons, waxaana loo qaybiyay dad gaadhaya 15,000 oo qof.

 

"Wax aad u shaqaynaya kooxaha gargaarka ee WFP, waxaanaay suurto gal ah in dadkii ugu badnaa ee ay saamaynta ku yeesheen rabshadihii jigjiga ka dhacay la gaadhsiiyo qaadhaano kala duwan” sidaasi waxa u sheegtay Websiteka Reliefweb, Christine Clarence oo madaxa gargaarka degdeg ah WFP u qaabilsan dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia, waxaanay