Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hadda Wareegto Soo Saaray Iyo Shirkadaha Duulimaadka Hargaysa Oo La Joojiyay

0
Friday August 17, 2018 - 16:29:40 in by salman abdi
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hadda Wareegto Soo Saaray Iyo Shirkadaha Duulimaadka Hargaysa Oo La Joojiyay

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hadda Wareegto Soo Saaray Iyo Shirkadaha Duulimaadka Hargaysa Oo La Joojiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hadda Wareegto Soo Saaray Iyo Shirkadaha Duulimaadka Hargaysa Oo La Joojiyay

Xukuumadda Somaliland ayaa Warqad digniin iyo amar iskugu jirta u qaybisay dhamaan Xafiisyada ay magaalada Hargeysa ku leeyihiin Shirkaddaha Duulimaadayada Diyaaradaha ka shaqeeya,waxaana warqadaasi hoosta kaga saxeexnaa Mareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Cabdi Maxamed Rodol.

Warqaddan oo Wargeyska Foore helay ayaa waxa ay daba socotaa Wareegtadii dhawaan kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi ee uu shaqada kaga joojiyay qaar ka mid ah Shirkaddihii dadka gaarka ahi lahaayeen ee ka hawlgalayay
Madaarka Cigaal ee Magaaladda Hargeysa,waxaana sida ku cad Nuxurka Warqaddan loo qaybiyay dhamaan Xafiisyada ay
Shirkadaha Duulimaadka ka shaqeeyaa ay ku leeyihiin Magaalada Hargeysa ,waxaana looga digay inay wax lacag ah siiyaan
Shirkaddii ka shaqayn jirtay amniga Madaarka Cigaal ee Marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanay S.R.M,waxa sidoo
kale Warqadaasi si gaar ah hoosta looga xariiqay inaanay shirkadaha Duulimaadyadu siinin wax lacag ah shirkaddaasi,hadii
ay tahay lacag hore iyo haddii ay tahay lacag Cusub toona,waxaana looga digay in shirkaddii amarmmaasi burisaa ay iyadu
Masuuliyaddeeda qaadi doonto.
Warqaddan ayaa u dhignayd sidan "Anagoo Tix raacayna Wareegtadii Madaxweynaha ee ku taariikhaysnayd 11/08/2018 ee
Sumadeedu tahay JSM/XM/MW/222-178/082018, sidaa darteed waxaa la idin farayaa maanta oo ay taariikhdu tahay
12/08/2018, inaad ka joojisaan shirkada S.R.M Lacagtii ay qaadan jirtay ee Security Charges-ka,Lacagtaasi oo saaran Tigidha
aad qabataan”. Waxa Lagu sii yidhi sidan"Shirkadda Ku wareejisa Wax lacag ah Shirkada S.R.M, ha noqoto lacag hore ama
mid Cusub,iyada ayaa ka masuul ah illaa inta ay Xisaabtamayaan Shirkadda S.R.M iyo Hay’adda Duulistu”. Sidaa waxa lagu
yidhi Warqaddan oo Qoraal ah oo uu ku saxeexan yahay Mareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Cabdi Maxamed Rodol.

 

XIGASHO WARGAYSKA FOORE