Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Oo Si Wayn Dhaliilay Magacaabista Madaxwayne Farmaajo Ee Laamaha Aminga Kuna Tilmaamay Xirfada La'aan
Cabdiraxmaan cabdishakuur
Warsame oo ah siyaasi si weyn u dhaliishan siyaasadda dowladda soomaaliya ayaa ka hadlay xilalkii la magaacabay iyo kuwii laga qaaday hey,adaha amniga.
Cabdiraxmaan ayaa magacaabistaan ku micneeyey laba arrin midkood, Halkaan hoose ka akhriso farriinta uu soo diray
Magacaabista iyo xil ka qaadista hay’adaha nabad gelyada ma aha kuwo xulasho xirfad, aqoon iyo waaya aragnimo lagu doortay. Mana aha talaabo u adeegaysa ujeedkii ahaa dhismaha ciidan Qaran oo nabadgelyada xajiya, Alshabaab ka guulaysta, AMISOM na kala wareega masuuliyada Amniga.
Waxaa ka muuqata qof jeceleysi, iska indha tir waaqaca deegaan ee laga hawlgelayo iyo u dabac sanaan Alshabaab, maadaama xubnaha qaar la oran karo waa taliyayaal labada dhinac.
Waxaa muuqata in ay laba midkood tahay,
1- Quus iyo jahwareer, maadaama isbdelka caynkaan ah uu markii afraad yahay
2- ama tijaabo san ka taabasho oo la mid ah tii Jubaland lagu dayey, dhinaca kartana in la qaado talaabooyin dad badan lagu beegsanayo, taasoo colaad hor leh hurin karta.