Gudida Diwaan Galinta Ururada Siyaasada Somaliland Oo Go,aan Ka Soo Saaray Dacwadii Xisbiga Waddani Ka Gudbiyay Komoshinka.

0
Saturday August 18, 2018 - 09:33:29 in by salman abdi
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudida Diwaan Galinta Ururada Siyaasada Somaliland Oo Go,aan Ka Soo Saaray Dacwadii Xisbiga Waddani Ka Gudbiyay Komoshinka.

    Gudida Diwaan Galinta Ururada Siyaasada Somaliland Oo Go,aan Ka Soo Saaray Dacwadii Xisbiga Waddani Ka Gudbiyay Komoshinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudida Diwaan Galinta Ururada Siyaasada Somaliland Oo Go,aan Ka Soo Saaray Dacwadii Xisbiga Waddani Ka Gudbiyay Komoshinka.

Guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda ayaa la sheegay inay go’aan ka soo saareen dacwad uu dhawr bilood ka hor u gudbiyay xoghayihii xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade oo ay guddiga fulinta ee xisbigu sheegeen inay xilkii iyo xubinimadii xisbiga ka qaadeen.

Maxamed Cabdillaahi Uurcade, ayaa Geeska Afrika u sheegay in ka dib markii uu dacwad u gudbiyay ay guddigu go’aamisay in xisbigu muddo saddex bilood ah shirweynihiihiisa ku qabsado. "Guddida Diiwaangelinta Ururadda iyo Ansixinta Axsaabta, ayaanu anagu dacwadayadii u gudbinay, go’aankiina way soo saareen, waxaanay yidhaahdeen muddo saddex bilood ah waa inaad Shirkiini ku qabsataan.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Uurcade, laakiin wuu ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan go’aanka guddiga diiwaangelinta.

 

Xisbiga Waddani oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrintan, ayaanay noo suurtogelin inaanu helno, waxase ay wararku xaqiijiyeen in guddiga diiwaangelinta xisbiga gaadhsiiyeen go'aankooda.