Mashruucaasi wuxuu ahaa qaybtii Baanka Horumarinta Afrika ka soo galay horumarinta Biyaha Somaliland, waxaanu nasiib wanaag ka socdaa

0
Sunday August 19, 2018 - 12:40:13 in by salman abdi
  • Visits: 479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruucaasi wuxuu ahaa qaybtii Baanka Horumarinta Afrika ka soo galay horumarinta Biyaha Somaliland, waxaanu nasiib wanaag ka socdaa

    Mashruucaasi wuxuu ahaa qaybtii Baanka Horumarinta Afrika ka soo galay horumarinta Biyaha Somaliland, waxaanu nasiib wanaag ka socdaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruucaasi wuxuu ahaa qaybtii Baanka Horumarinta Afrika ka soo galay horumarinta Biyaha Somaliland, waxaanu nasiib wanaag ka socdaa

Agaasimaha guud ee Wasaarada horumarinta Deegaanka iyo reer Guuraaga Cabdirisaaq Jaamac Nuur, ayaa tafaasiil ka bixiyey qaabka loo maamulay mashruuc qayb ka ahaa Biyo-soosaarka dalka oo ay qaar kamida Wargeysyada ka soo baxa Magaalada Hargeysa, sheegeen inuu u leexiyey Soomaaliya markii uu ahaa agaasimaha guud ee Wasaarada horumarinta Biyaha.


Agaasimaha oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixin la xidhiidha mashruucaas oo uu todobaadkii hore gabagabadiisii baahisey warbaahintu, nuxurkeeduna ahaa in kharash loogu talo-galay Somaliland oo dhanka biyaha ah uu u weeciyey Soomaaliya, laakiinse Agaasime Cabdirisaaq waxa uu sheegay in mashruucaas oo uu maal-gelinayey Baanka horumarinta Afrika uu sidii loogu talogalay


u socdo.

 

"Mashruucaasi wuxuu ahaa qaybtii Baanka Horumarinta Afrika ka soo galay horumarinta Biyaha Somaliland, waxaanu nasiib wanaag ka socdaa gobolo badan iyo degmooyin dalka ah.”

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay "Markaa markii heshiiskii u dambeeyey aanu kala saxeexanaynay caqabado badan ayaa naga hor yimi oo waxay yidhaahdeen waxaynu u baahanahay cid saddexaad oo inoo haysa Dhaqaalaha oo caalami ah, waxaanay doonayeen markii hore inay Maamulaan Hay’addaha qaramada midoobay, balse waa la isku afgaran waayey oo waxa badnaatay Ajuuradii ay qaadanayeen, kaddibna way nagu soo noqdeen oo waxay mar kale naga dalbadeen inaanu keeno cid kamida Ururrada Caalamiga ah, waxaanan siinay dhowr ay kamid tahay Care International, markaa halka ay ka soo qaateen Inamada Wargeyska qoray waxa weeye Care International Somalia”

Cabdirisaaq Jaamac Nuur isagoo sii wata tafaasilshiisa ku saabsan mashruucaas iyo marxaladihii uu maray waxa uu yidhi "ugu dambeyn 2016-kii ayaanu kala saxeexanahay heshiiskii mashruucaas oo ahaa in Somaliland Biyaheeda lagu maal-geliyo lacag dhan siddeed Milyan iyo badh Dollar ah ($8.5), waxaana loo qaybiyey laba qaybood oo isugu jira daraasad iyo biyo-soosar, waxaana la kala siiyey laba qolo, howshiisiina way socotaa…”

"markaa lacag la soo mariyey iyo mid loo leexiyey Soomaaliya toona ma jirto.”