Gudaha:-Dr Maxamed Yusuf Xasan (Iqra) Oo Ka Hadlay Xilka La Sheegay In Loo Magacabay.

0
Sunday August 19, 2018 - 12:48:05 in by salman abdi
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Dr Maxamed Yusuf Xasan (Iqra) Oo Ka Hadlay Xilka La Sheegay In Loo Magacabay.

    Gudaha:-Dr Maxamed Yusuf Xasan (Iqra) Oo Ka Hadlay Xilka La Sheegay In Loo Magacabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Dr Maxamed Yusuf Xasan (Iqra) Oo Ka Hadlay Xilka La Sheegay In Loo Magacabay.

Dr. Maxamed Yuusuf Xasan (Iqra) oo dhiga jaamacad ku taal dalka Imaaraadka ayaa beeniyay war ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta oo sheegayay in Dr. Maxamed Yuusuf loo magacaabay lataliyaha wasaarada maaliyada Somaliland, sida uu ku sheegay qoraal gaaban oo uu qory Dr. Maxamed oo nuqul kamid ahi soo gaadhay xafiiskashabakada Hadhwanaagnews, waxaanu qoraalkaasi uqornaa sidan:-

Anniga oo ah Dr. Maxamed Yuusuf Xasan kana ahProfessor Jaamacadda Imaaraadka, waxan aad u la yaabay war ka soo baxay wargeyska Geeska oo aan jirin. Warkaas oo sheegaaya in aan la taliye aanu ahay wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland.

Anigu haba yaraatee wax shaqo



ah oo aan u hayo dawladda Somaliland iyo Hay’adaha la xidhiidho ma jirto. Meello badan oo dalka ka mid ah sida jaamacaddaha, wasaaraddaha,dawladaha hoose, dugsiyadda iyo meel kale oo badanwaxa aan kaqabtaa shaqooyin iska wax u qabso ah taasoo aan u arko waajib isaaran laakiin warka la faafiyey waxba kama jiraan (cid aan si official ah ugu shaqeeyaa). Kolkaa waxan ku talin lahaa wargeysyadda "hubsiimo hal baa la siistaa".