War Deg Deg Ah Taag Casriya Oo La Keenay Dekada Berbera Iyo Magac Cusub Oo Loo Bixiyay.

0
Sunday August 19, 2018 - 12:48:05 in by salman abdi
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Taag Casriya Oo La Keenay Dekada Berbera Iyo Magac Cusub Oo Loo Bixiyay.

    War Deg Deg Ah Taag Casriya Oo La Keenay Dekada Berbera Iyo Magac Cusub Oo Loo Bixiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah Taag Casriya Oo La Keenay Dekada Berbera Iyo Magac Cusub Oo Loo Bixiyay.

Maamulka Dekedda ee Somaliland iyo Shirkadda DP World ee gacanta Ku haysa Dekedda Berbera, ayaa si wada-jira ah maanta barxada weyn ee dekedda Berbera kusoo bandhigay qalabyo kala duwan, oo uu kamid yahay Taag casriya oo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi keentay oo baahi-weyn dekedu u qabtay.

Munaasibada soo bandhigida qalabkan heerka caalamiga ah, ayaa kasoo qaybgalay Wasiirka qorshaynta Somaliland iyo Wasiir Ku xigeenka Maaliyadda iyo sidoo kale badhasabka Gobolka Saaxil, duqa degmada Berbera, haween iyo Marti sharaf badan.









Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa



ka hadlay marxaladihii uu lasoo maray keenista Taaga Maraakibta waaweyn soo xidha, isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi ".. Habeen iyo Maalin waxan u heelanahay sidii loo kobcin laha Dekedda Berbera, waxaana sharaf dheeraad ah ii ah inaan Keenay Taaga Maraakibka waaweyn soo xidha. Waxa Taag Dekedda Berbera ugu dambaysay 1976-kii, kasoo ay keentay Dawladii hore ee Somaliya. 42-sanno may yeelan Dekedda Berberi, waana kii ugu horeeyey Taagani oo Ku qoran Magaca Somaliland, waxanu Ku Diiwaan-gashan yahay Magaca Somaliland, wax kasta oo loo kaco waa laga gun-gaadhaa, dhib badan, ayaa naga soo martay sidii aan Taagan Magaca Somaliland ugu soo qori lahayd, hase-yeeshee turaan-turo kasta waanu kasoo talaabsanay". Ayuu yidhi Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi.

 

Sidoo kale, waxa goobta isna ka hadlay Maamulka Shirkadda Dp world, kuwasoo iyanna goobta kusoo bandhigay qalabyo kala duwan oo ay keeneen Dp world.

Hadaba muxuu ka kooban yahay qalabka Taaga cusubi ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi keentay Dekedda Berbera, isla markaana Maareeyaha Dekedaha Somaliland waqti badan iyo dedaal dheerada.

Taagan Cusub ee Maanta lagu soo bandhigay barxada weyn ee Dekedda Berbera, ayaa xaj-migiisu yahay 3000 oo horse power ah, kaas oo soo jiidaya Markaakiibta xajmigoodu gaadhayso 50000 kun oo Tan, Halka Taagii hore ee Dekedda Berbera yaalay ee Dawladii Somaliya keentay 1976-kii uu isna ahaa 1400 horse Power.

Taagan cusub oo ah nooc casriya ayaa maamulka dekedda Berberi ka soo Iibiyey dalka Turkiga, waxaanu Taagani wataa qalab dheeraad ah oo dekeddu u baahan tahay xiligan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dabdemiska (Syma boats) oo aanay waligeed yeelan dekeda Berbera oo ay si weyn ugu baahnayd.

Sidoo kale, Waxa qalabkan Kamid ah Pilot boat oo casri ah, kaasoo qadaya pilots Somaliland si ay u so xidhan halka ay awal huudhi yar raci jireen.

Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo mudo kooban xilka maamulka dekeda Berbera hayey ayaa ku guulaystay inuu durtaba daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah dekeda Berbera, si ay ula tartanto dekedaha ku yaala mandaqada Geeska Afrika iyo kuwa caalamkaba.

Qalabkan cusub ee Taaga loo yaqaano ayaa loogu magac daray madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyada Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Qalabkan Taaga ee dekeda Berbera hadda la keenay, ayaa wax weyn ka tari doona hawlaha shaqo ee ay dekeda Berberi hayso, kaasoo kordhin doona koboc dhaqaale iyo suuqa ganacsi ee Dekedda Berbera ay noqoto mid si weyn usoo jiidata maraakiibta caalamiga ah ee sida badeecadaha kala duwan Geeska ah iyo Somaliland goboladeeda oo dhan.