Burco: Daawo Hay'adda EWADA oo Mucaawano Biyo iyo Dhar Ciideed u qaybisay Barakacayaasha Degaanka Guryasamo

0
Monday August 20, 2018 - 14:31:11 in by salman abdi
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burco: Daawo Hay'adda EWADA oo Mucaawano Biyo iyo Dhar Ciideed u qaybisay Barakacayaasha Degaanka Guryasamo

    Daawo Hay'adda EWADA oo Mucaawano Biyo iyo Dhar Ciideed u qaybisay Barakacayaasha Degaanka Guryasamo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo Hay'adda EWADA oo Mucaawano Biyo iyo Dhar Ciideed u qaybisay Barakacayaasha Degaanka Guryasamo
Hay'adda khayriga ah ee EWADA ayaa maanta oo ay ku beegnayd maalinta ay xujaydu tagaan carafa isla markaasna muslimiinta badankoodu ay soomaan sidoo kalena cibaadada laban laabaan waxay mucaawano biyo iyo dhar ay ku ciidaan carruurta dadka danyarta ah ee degaanka Guryasamo ugu qaybiyeen degankaasi, waxana Baraagaha Degaanka Guryo samo looga buuxiyo ku dhowaad 100 Foosto oo biyo ah halka ay dadka qaarna jirkaamo kaga dhaansanaayeen, mucaawanadan oo ku soo beegantay maalintan khayrka badan isla m arkaasna ay Dadka Degaankaasi biyo la'aan la ildarnaayeen oo ay ka cabbaan meelaha biyo fadhiisinka ah gaar ahaan waddooyinka gaadiidku soo maraan ee ay fadhiistaan biyaha roobku ayuu ujeedadeeda ka hadlay Guddomiyaha Hay'adda EWADA sh adan hassan siciid

Gudomiyaha Degaanka Guryo samo iyo Dadweynaha Degankaasi mucaawanada la gaadhsiiyey ayaa ka dareen celiyey kaalmadan ay soo gaadhsiisay Hay'adda EWADA.