Berbera:-Shirkada Dp World Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Horu Marineed Ee Ay U Dhigtay Dekeda Magaalada Berbera.

0
Wednesday August 22, 2018 - 12:57:13 in by salman abdi
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera:-Shirkada Dp World Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Horu Marineed Ee Ay U Dhigtay Dekeda Magaalada Berbera.

    Berbera:-Shirkada Dp World Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Horu Marineed Ee Ay U Dhigtay Dekeda Magaalada Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera:-Shirkada Dp World Oo Soo Bandhigtay Qorshaha Horu Marineed Ee Ay U Dhigtay Dekeda Magaalada Berbera.

Shirkadda DP World ayaa shaacisay inay dekedda Berbera uu soo gaadhay qalab cusub, si kor loogu qaado awoodeeda iyo xaddiga baddeecadaha ka soo degaya marsadda Berbera.


Waxa kaloo shirkaddu xaqiijisay in ay soo kordhiyeen saddex wiish oo waaweyn oo loo asteeyey in lagu raro xoolaha iyo baddeecadaha kale, waxaanay qalabayntaasi qayb ka tahay qorshaha DP WorldSidaasna waxay Shirkadda DP World kaga hadashay war-saxaafadeed ay soo saartay shalay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay caddeeyeen inay sameeyeen sannadkii hore saddex goobood oo loogu talo-galay in lagu raseeyo baddeecadaha ka soo dega marsadda Berbera.



ku ballaadhinayso dekedda Bebera si loo dedejiyo hawlaha casriyeynta marsadda oo la ballaadhinayo boqolkiiba toddobaatan.

 

Warsaxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in dekedda Berbera loo keenay TAAG cusub oo ah nooca soo xidha maraakiibta, oo ay keentay Hay’adda dekeddaha Somaliland ee (Somaliland Port Authority). TAAG-gan casriga ah waxa loogu magac daray Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal oo xilka hayey muddadii u dhexaysay 1993kii illaa 2002-dii.

Xafladii lagu soo bandhigayey qalabkan waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Cawaale Ibraahim Shirwac, Wasiir ku-xigeenka horumarinta maaliyadda Maxamed Daahir Axmed, Badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan, Mayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan iyo Guddoomiyaha DP World ee u qaabilsan Dekedda Berbera, Supachai Wattanaveerachai.

Agaasime goboleedka shirkadda DP World, Suhail Al Banna, ayaa sheegay in qalabka dekedda la keenay uu wax ka tarayo in si wax ku ool ah loo rogo baddeecadaha ka soo degaya marsadda Berbera, waxa kaloo uu tilmaamay inuu Somaliland ka taageerayo inay noqoto marin halbowle u ah ganacsiga Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha shirkadda DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa bishii May ee sannadkii 2017kii Dubia ku kala saxeexdayheshiis lagu ballaadhinayo dekedda Berbera oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 442 Milyan oo doolar.