Deegaanka Soomaalida oo qorshaha koowaad ka dhigay wax u qabashada barakacayaasha

0
Tuesday September 04, 2018 - 16:34:40 in by salman abdi
  • Visits: 526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deegaanka Soomaalida oo qorshaha koowaad ka dhigay wax u qabashada barakacayaasha

    Deegaanka Soomaalida oo qorshaha koowaad ka dhigay wax u qabashada barakacayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaanka Soomaalida oo qorshaha koowaad ka dhigay wax u qabashada barakacayaasha

Xukuumadda cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in ay qorshaha koowaad u qaateen wax u qabashada dadka Soomaalida ah ee ku soo barakacay colaadaha qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya.

Xeryaha qaxoontiga ee Qolaji oo kali ah waxa ku nool dad kor u dhaafaya toban kun oo Soomaali ah oo colaadahu


soo baro kiciyeen, sida uu BBC u sheegay wasiirka ka hortagga iyo xakamaynta musiibooyinka ee deegaanka Soomaalida Maxamed Faatax Maxamed.

 

Colaadahan ayay dad badan kaga kala dhinteen Soomaalida iyo Oromada ka dib markii ay dabo dheeraadeen.

Xukuumadda Faderaalka ah ee Itoobiya ayaa dhawaan ballan qaaday in ay soo afjari doonto colaadda, balse dilka iyo barakicinta ayaa wali sii socota.

Haddaba si aan wax badan uga ogaanno xaaladda barakacayaasha Soomaalida waxaan ka waraysanay wasiirka ka hortagga iyo xakamaynta masiibooyinka ee Deegaanka Soomaalida Maxamed Faatax Maxamed, wariyaha BBC Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayuu u warramay.