Dawladda Soomaaliya oo raalligelin ka bixisay weerar lagu qaaday guriga Aadan Cadde

0
Friday September 07, 2018 - 09:12:26 in by salman abdi
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Soomaaliya oo raalligelin ka bixisay weerar lagu qaaday guriga Aadan Cadde

    Dawladda Soomaaliya oo raalligelin ka bixisay weerar lagu qaaday guriga Aadan Cadde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Soomaaliya oo raalligelin ka bixisay weerar lagu qaaday guriga Aadan Cadde

Sida uu BBC u sheegay Dr Siciid Aadan Cadde oo ka mid ah qoyska madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), "ciidammo Soomaali ah oo si gaar ah u tababaran ayaa soo galay beerta Aadan Cadde ee ku taalla nawaaxiga degmada Janaale laba habeen ka hor, goor habeen-bar ah".

Wuxuu intaa ku daray in ciidankaas ay wararka ku soo gaareen in ay la socdeen laba dayaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca ee Helikobtarka.

"Beerta Aadan cadde meel u dhow ayey ku soo degeen, laakin markii dambe ayey beerta u soo gudbeen, waxayna u sii dhaafeen guri beerta ku dhex yaallay oo uu ku noolaa madaxweynihii hore, Aadan Cabdulle" ayuu yiri.

Rasaas ka muuqata darbigaLahaanshaha sawirkaSOCIAL MEDIA
Image captionRasaas ka muuqata darbiga

Dr Siciid oo xilliga uu BBC la hadlayey ku sugnaa Muqdisho wuxuu kaloo intaa raaciyey in loo sheegay askartaas in guriga "uu yahay kii madaxweyne Aadan Cadde, balse ay xoog ku jabiyeen, ayna qateen alaab dhex taallay".

Wuxuu kaloo intaa ku daray in seddex wiil oo halkaa joogay ay iyagana kaxaysteen.

Fiidiyow baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya khasaaraha burburka leh ee soo gaaray dhismaha guriga ku dhex yaalla beerta Aadan Cadde ee uu ku noolaa madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya, tan iyo markii uu siyaasadda ka fariistay.

Rasaas kale oo ka muuqata gidaarkaLahaanshaha sawirkaSOCIAL MEDIA
Image captionRasaas kale oo ka muuqata gidaarka

Dawladda Soomaaliya weli si toos ah ugama hadlin arrintan, laakinse wuxuu Dr Siciid Aadan Cadde BBC u sheegay in qoyska reer Aadan Cadde uu shakhsi ahaan la soo xiriiray ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre "oo raalligelin ka bixiyey falkii dhacay".

Beerta iyo gurigaba waxay ka badbaadeen dawladihii dalka soo maray, dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, iyo Al Shabaab, waana markii ugu horraysay ee la weeraro guri uu leeyahay madaxweyne hore oo Soomaaliyeed.

Wuxuu Dr Siciid Aadan BBC u sheegay in qaybta la jabiyey ee guriga oo ah halkii uu ku noolaa allah u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde, aan la degganayn oo ay iska xirnayd, tan iyo markii uu dhintay marxuumku.