Milateriga Soomaaliya oo isku-dayaya inuu soo furto odayaal u xiran al-Shabaab

0
Saturday September 08, 2018 - 08:03:57 in by salman abdi
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milateriga Soomaaliya oo isku-dayaya inuu soo furto odayaal u xiran al-Shabaab

    Milateriga Soomaaliya oo isku-dayaya inuu soo furto odayaal u xiran al-Shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milateriga Soomaaliya oo isku-dayaya inuu soo furto odayaal u xiran al-Shabaab

Taliska ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa shaaciyay inay socdaan dadaallo lugu raadinnayo sidii ay xorriyaddooda u heli lahaayeen ku dhawaad 70 qof oo u badan odayaal, kuwaas oo ay al-Shabaab maalmo ka hor ka af-duubteen deegaanka Gal-qoryaale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dadaalladan waxaa qeyb ka ah odayaal dhaqameed iyo wax-garad ka soo jeedda deegaannada Galmudug,sida ay baahisay wakaaladda wararka dowladda u faafisa ee SONNA.

"Waxaa socda qorshayaal la doonayo in malleeshiyaadka al-Shabaab gacantooda looga soo saaro dadka ay ka qafaasheen Gal-qoryaale." ayuu yiri taliyaha howl-gallada qaybta 21aad, ee ciidanka xoogga Soomaaliya,G/dhexe Cabdiqaadir Maxamed Cartan.

Lama garanayo halka ay dadka ku hayaan kooxda al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe, saddexdii bishan ayaana la sheegay inay 70 qof oo u badan odayaal inay ka qafaasheen Gal-qoryaale iyo deegaannada hoostaga.