Hargaysa:-Madaxwayne Waxaa La Gaadhay Wakhtigii Aad Shir Iskugu Yeedhi Lahayd Wasiiradii Arimaha Dibada Somaray.

0
Saturday September 08, 2018 - 13:39:07 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Madaxwayne Waxaa La Gaadhay Wakhtigii Aad Shir Iskugu Yeedhi Lahayd Wasiiradii Arimaha Dibada Somaray.

    Madaxwayne Waxaa La Gaadhay Wakhtigii Aad Shir Iskugu Yeedhi Lahayd Wasiiradii Arimaha Dibada Somaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Waxaa La Gaadhay Wakhtigii Aad Shir Iskugu Yeedhi Lahayd Wasiiradii Arimaha Dibada Somaray.


Dawlado aan 20 sannadood wax cilaaqaad diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ahi dhex marin ayaa heshiiyay sida Itoobiya iyo Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo Soomaaliya iyo Itoobiya oo iyaguna u muuqda inay xaadhayaan qodxo yaalay jidka u dhexeeya.Isbedelo siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ayaa si xawli ah uga socda gobalka Geeska Afrika. Waxa isbedelkaas hormuud u ah raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed oo isbedelka oo uu dalkiisa ka soo bilaabay u muuqda inuu ku faafinayo gobalka Geeska Afrika.

Mudane, Madaxweyne waa lagu kala aragti duwanaan karaa nooca saamaynta ay isbedeladani ku yeelanayaan Somaliland, laakiin waxa la isku raacsanyahay in dabaylahan socdaa ay saamayn ku yeelanayaan Somaliland.

Wasiirkaaga arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka mid ah dadka aaminsan in arrimaha socdaa ay saamayn ku yeelanayaan Somaliland, waxaanu Dr. Sacad oo Geeska Afrika uu weydiiyay isbedelkaas iyo saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland, ku jawaabay "Is bedel kasta oo Geeska Afrika ka dhaca ha wanaagsanado ama ha xumaado, saamayan buu inagu yeelanayaa, waxaana rajaynayaa in mar walba inaga saamayn wanaagsan inagu yeeshaan, oo wixii khilaafaad ah ee jirana wanaag lagu dhammeeyo iyo in la dhawro xuquuqda bini’aadamka.”

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ugu sal balaadhan Somaliland ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isna yidhi "Itoobiya waa dal weyn oo aynu jaar nahay waxaana ka socda isbadal weyn oo xawli ku socda oo saamayn ku leh dhamaan gobalka Geeska Afrika, waxa inagu waajib ah inaan si dhaw ula socono isbadalkaas.”

Dr. Maxamed Siciid Gees oo xukuumadihii Cigaal iyo Rayaale ka soo noqday wasiirka maaliyadda, qorshaynta iyo arrimaha dibadda, ayaa isna qormo uu khamiistii ku qoray warbaahinta wuxuu ku muujiyay walaaca uu ka qabo saamaynta ay isbedelada gobalka ka socdaa ku yeelan karaan Somaliland, waxaanu yidhi "Dabayaaqada sannadkan 2018 ayey kala caddaan doonaan arrimahaasi hadda bilawga ahi, maadaama Itoobiya ay tahay dal xad la leh toddoba waddan oo Geeska Afrika ku yaal, uguna dhul weyn tahay, isla markaana ay ugu dad badan tahay, oo ugu biyo badan tahay, oo dadkeedu ku filiqsan yihiin derisyadeeda, waa dhab in isbeddelkeedu saamayn weyn ku yeelan doono deriska ama dalalka la jaarka ah. Waxa la yidhaahdaa haddii ay Itoobiya hindhisto, hargab ayaa ku dhaca dariskeeda.”

Wuxuu qoraalkiisa ku soo gunaanaday, "Allaah ha u naxariistee Axmed Ismaaciil Qaasim oo mar Ceerigaabo loo beddelay, ayey reer Ceerigaabo gabay ku boobeen soo dhaweyntiisa, si ay uga hadliyaan, kadibna waxa uu yidhi;"Waxan ahay nin dabin u galay, fuul ay coloobeen eh.

Dirindiir kolay ku tahay, laygu soo duulye.”

Shan u roon (Somaliland) ayaa lagu soo duulay!!! Waa la ii dardaar werinayaa derajaday yaa og?

Haddaba, Madaxweyne, halkaas waxa ka cad in isbedelka gobalka Geeska Afrika ka socdaa uu saamayn ku yeelanayo Somaliland oo marka horeba la daalaa dhacaysa culaysyo kale oo gudaheeda ah. Waxaana Madaxweynoow muhiim ah inaad samayso wada tashi iyo tallo urursi si ay Somaliland uga badbaado in isbedelkaasi saamayn taban ku yeesho, sababtoo ah waxa isbedelada socda qayb ka mid ah Soomaaliya oo la dareensanyahay halka ay Somaliland kala joogaan.

Waxa ka mid noqon kara Madaxweyne tallo urursigaaga inaad kulan wad tashi ah la yeelato inta ka nool wasiiradii arrimaha dibadda ee Somaliland soo maray. Marka laga reebo Wasiir Sacad oo maanta xilka haya waxa nool wasiirada soo maray wasaaradan:

Cabdixamiid Garaad Jaamac

Dr. Maxamed Siciid Gees

Dr. Edna Aden Ismaaciil

Cabdillaahi Maxamed Ducaale

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

Dr. Maxamed Biixi Yoonis

Waxaana muhiim ah inaad Madaxweyne intaad gaadhi karto wasiiradan wasaaradda soo maray shir wada tashi ah isugu yeedho, maadaama oo ay wasiiradani yihiin dad xogogaal ah oo uu shakhsi waliba door muhiim ah ka soo qaatay dhaqaajinta siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland. Qaarkood ayaa weli si dhow ula socda xaaladaha gobalka, lagana yaabo inay xog dheeraad ah ka hayaan isbedeladan socda.

Madaxweyne; waxa iyana muhiim ah inaad dib u soo ururiso saaxiibo ajaanib ah oo u badnaa Afrikaan oo ay Somaliland caalamka ku lahayd waagii uu talada hayay Madaxweyne Rayaale balse uu xidhiidhkoodu lumay markii uu Axmed-siilaanyo talada qabtay. Saaxiibadaas intooda weli ku xidhan Somaliland waxaad madaxweyne la yeelan kartaa wada tashi.

Madaxda xisbiyada qaranka iyo dadka kale ee Somaliland u dhashay ee xidhiidhada caalamiga ah iyo diblomaasiyadda aqoonta durugsan u leh, ayaa iyana muhiim ah inaad Madaxweyne la yeelato kulan wada tashi ah oo ku saabsan amuurahan socda.

Ugu dambayn Madaxweyne, waa muhiim ah in indho feejigan loo yeesho laguna eego wax kasta oo gobalka ku soo kordha, maantana waxa gobalka ka socda isbedelo taariikh cusub jeexaya. Madaxweyne; inaad diyaar garowdaa waxa ay kaa caawinaysaa inaad digtoonaato iyo inaad hangool faraaro leh iskaga ilaaliso in isbedelada socdaa ay saamayn taban ku yeeshaan Somaliland.