Waan soo dhaweyneynaa shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo"Madaxweyne Ku-xigeenka Putland.

0
Sunday September 09, 2018 - 08:29:57 in by salman abdi
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waan soo dhaweyneynaa shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo"Madaxweyne Ku-xigeenka Putland.

    Waan soo dhaweyneynaa shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo"Madaxweyne Ku-xigeenka Putland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waan soo dhaweyneynaa shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo"Madaxweyne Ku-xigeenka Putland.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Camey ayaa sheegay in ka maamul ahaan sida uu hadalka u dhigay soo dhaweynayaan shirka uu ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

‘’Waan soo dhaweynayaa baaqa madaxweynaha ee ah shir leysugu yimaado, waayo waxaa u arkaa arin bilow wanaagsan noqon karta, horey-na waan u sheegay waa in la wada hadlaa, ajnabi kalama nihin, isku luuqad ayeey-nu ku hadleynaa ayuu yiri’ madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Camey ayaa ku gacan seyray qodobadii ka soo baxay shirkii shalay hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada ugu soo dhamaaday magaalada Kismaayo, waxaana ay hoggaamiyayaashu isku raacaan in ilaa xad ay xiriirka u jareen dowladda dhexe.

Si la mid ah madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxaa isna shirka iyo qodobadii ka soo baxay ku gacan seyray madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.