“Sifooyin Badan Ayaa Loo Baahan Yahay Inuu Kulmiye Eego Balse Yaan La Odhan Heber Reerkan Ayuu Ka Socdaa”..Ex Wasiir Cadaani

0
Sunday September 09, 2018 - 16:11:29 in by salman abdi
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Sifooyin Badan Ayaa Loo Baahan Yahay Inuu Kulmiye Eego Balse Yaan La Odhan Heber Reerkan Ayuu Ka Socdaa”..Ex Wasiir Cadaani

    “Sifooyin Badan Ayaa Loo Baahan Yahay Inuu Kulmiye Eego Balse Yaan La Odhan Heber Reerkan Ayuu Ka Socdaa”..Ex Wasiir Cadaani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Sifooyin Badan Ayaa Loo Baahan Yahay Inuu Kulmiye Eego Balse Yaan La Odhan Heber Reerkan Ayuu Ka Socdaa”..Ex Wasiir Cadaani

Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani oo xilal Wasiirnimo ka soo qabtay, ayaa sheegay in aanu ka tanaasulin hankiisa musharaxnimada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waxaanu xusay in hadba cida la dooranayo aan loo eegin qabiil iyo wax la mid ah ee loo eego qofku taariikhdiisa iyo wuxuu umadda u qabtay.Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani oo u waramayWargeyska Geeska Afrik aayaa ugu horeyn yidhi "Hankaygii musharaxnimo ee Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye wax alaale wax iska bedelay ma jiro, Madaxweynaha dabadiina waxaan ahay Musharax u taagan Guddoomiye-nimada Xisbiga Kulmiye, Xisbiga kulmiyena waa XIsbigaygii, waa Xisbi aan qabo inuu yahay Xisbi ka dhexeeya umadda reer Somaliland, Xisbiga Kulmiyena


maaha Xisbi laba qof iyo laba reer ka dhexeeya, ee intaas uu ka balaadhan yahay, qof kasta oo Xisbiga ku jira, oo reer Somaliland ahina xaq buu u leeyahay inuu iska soo dhex sharaxo, aniguna hankaygii waan ku taagan nahay, waxaana leeyahay cidda uu Xisbigu dooranayaa waa in la eega qofkaasi wuxuu qabanayo, ma yahay qof Xisbiga daacad u ah, oo aan waxba ka hagranaynin, ma yaha qof qaranka Somaliland iyo umadda Somaliland daacad u ah, ma yahay qof ka shaqeeyana midnimada iyo wada jirka umadda Somaliland, ma yahay mid xilalka uu soo qabtay cadaalad u sameeyey umadda reer Somaliland, oo aan kala qoqobayn, ama kala tilmaamaynin, ma yahay nin xilkaas loo dhiibay lagu aamini karo, oo xoolihii umadda ee uu yahay lagu aamini karo, oo xoolihii iyo hantidii umadda ee loo dhibay sidii loogu tagalay u isticmaalay, iskana ilaaliyey xoolihii umadda,sifooyin badan baa loo baahan yahay inuu Xisbigayaga Kulmiye eego, ee yaan la odhan hebel reerkan ayuu ka socdaa, ee waa in lagu qiyaasa yaa maanta Somaliland isku keeni kara, waayo ninka midayn kara, oo u xaqsooraya umadda, ma yahay mid fahansan caqabadaha saaran haweenka, ma yahay mid eegaya xuquuqda ay haweenku leeyihiin,oo haddii ay tahay Barlamaanka iyo Guurtida, laga hawlgalinayo oo waxay ku leeyihiin, ka helaya, Xisbiyadu waa inay noqdaan Xisbiyo aan qaabil ku dhisnayn, ee Xisbi walba qofka u cararaya waa inuu yeeshaa sifooyinkaas aan soo sheegay, yeelan kara, haddii sidaas loo eegana waxaan qabaa cid aan isku mid nahay mooye, qof iga horeeynayaa in aanu jirin oo nin walba taariikhdiisa waa la hayaa, SNM anigoo aad u da’ yar ayaan Waqooyi America Guddoomiye ka ahaa, wax uu weyn ee Somaliland jiritaankeedu ku xidhan yahay waa umadda oo isku hadaf ahaata, oo is aaminta, oo meel u wada socoto, oo qaranimada si gaar ah u wada ilaashada, waayo dhammaanteen qaranimada ayeynu ilaashana”

 

Wasiirkii hore ee Warfaafinta mar uu ka hadlaayey Xukuumadda ayaa yidhi "Xukuumadda Somaliland iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland ee kala duwan dalka ha joogaan ama dibadda ha joogaane, waxay ku dadaalayaan oo ka go’an sidii dalku ictiraaf u heli lahaa, musutaqbalka Somaliland waa mid ifaya, oo lagu rajo weyn yahay inaynu gaadhi doono hamiga aynu leenahay iyo horumarka aynu hiigsanayno iyo ictiraafkeenaba, xaqna weynu u leenahay inaynu ka mid noqno Adduunka iyo inaynu Ictiraaf helnaba, wax walba oo wadan looga baahnaa iyo shuruud kastaba weynu buuxinay, xitta weynu ka wanaagsan nahay wadamo badan oo iyaga la ictiraafsan yahay, dhinaca Dimuqraadiyada, dhinaca Doorashooyinka, dhinaca baayac-mushtarka, iyo siday aynu u ilaalino nabadgalyada dalkeena iyo nabadgalyada Wadamada aynu jaarka nahayba, nidaamka dawladnimada waxaynu ku soo dhaqmay 27 sanno, dawladdeenuna waxay diyaar u tahay inay ka sii wanaajiso mooye in aanay marnaba dib u noqon sameeynin, muddo aan fogayna weynu ka mid noqon doonaa Wadamada Beesha Caalamka ee haysta Ictiraafka caalamiga ah, ee waxaan leeyahay aynu noqono dad iyagu isku duuban oo midaysan, oo meel ka soo wada jeeda, oo yeynaan noqonin dad qaybsan, waxaana dhab ah inay Xukuumaddu wado dadaal kasta oo dalkan lagu ictiraafayo, waxaynu ka war qabnaa casuumadii uu Madaxweyne ku xigeenkii ka helay Sucuudiga, iyo sidii wanaagsanayd ee loo qaabilay, waxaynu ka war qabnaa sida la inoogu soo dhaweeyey rugta ganacsiga ee Sucuudiga, waxaynu war qabnaa sida loo danaynayo maalgashiga dalkeena iyo sida loogu soo hiranayo”