Muqdisho:-Madal Ganacsatadu isku Dhaafsadeen Qaabkii Xukuumadu Kaalinteeda u qaadan lahayd

0
Monday September 10, 2018 - 12:47:23 in by salman abdi
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Madal Ganacsatadu isku Dhaafsadeen Qaabkii Xukuumadu Kaalinteeda u qaadan lahayd

    Madal Ganacsatadu isku Dhaafsadeen Qaabkii Xukuumadu Kaalinteeda u qaadan lahayd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madal Ganacsatadu isku Dhaafsadeen Qaabkii Xukuumadu Kaalinteeda u qaadan lahayd

Kulan-hawleed ku saabsan nidaamyada loo maro abuuritaanka ganacsiyada gaarka loo leeyahay, iskaashi dhexmara ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe iyo kaalinta ay ku leeyahiin koboca dhaqaalaha dalka iyo shaqo-abuurka ayaa manta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Kulankan oo lagu qabtay Hudheelka Damal, isla markaana soo qabanaabisay Salma Cabdiraxmaan Walaaleye, Warbaahinta The Somaliland Review, ayey ka soo qeybgaleen martisharaf isugu jiray masuuliyiin xukuumada, siyaasiyiin, Qurba-jooga iyo Qaran-joog maalgashi ku saabsan ganacsiyo kala duwan dalka ka sameeyey.

Salma Cabdiraxmaan Walaaleye oo hadalo ka jeedisay madasha ayaa sheegtay inay muhiim tahay dhiirigelinta ganacsiyada yaryar oo kaalin ka qaataan koboca dhaqaalaha dalka, iyadoo tidhi,

"Ganacsiyada yaryar waa xoogaga wada koboca dhaqaalaha dalka. Waa muhiim, in bulshadu ku baraarugto, qiimayso, oo taageerto, ujeedada aanu kulankan u soo qabanqaabinayna dulucdiisa waa taageeridooda,”

Sida ay ka dhawaajisay Salma Cabdiraxmaan Sheekh, warbaahinta The Somaliland Review ayaa mustaqbalka, Hadii Ilaah yidhaahdo, qabanqaabin doonta kulano dheeraad ah, oo qeyb ka noqon doonaan dhamaan daneeyaasha qaybaha bulshada ee doorka muhiimka ah ka ciyaara horumarka dalka iyo dadka reer Somaliland.

Nuxurkii kulankan ayaa ahaa maanta in la helo ganacsato isku duuban oo si salmi ah suuqyada dalka uga shaqeysta iyo in xukuumadu doorkeeda sharci dejinta ganacsiga iyo ku dhaqankiisa degdeg u hirgeliso si ganacsatadu u hesho deegaan xasilan oo ganacsigoodu ku kori karo.

Mudadii kulankaasi socday, ayuu aqoonyahan Axmed Maxamed Adan, khabiir nidaamka baananka Islaamiga ku takhasusay, isla markaana ah Gudoomiyaha Shirkada Dabiici Juice Ltd, iyo Ifraax Cabdi Cartan oo maalgashi Ganacsi dalka ka samaysay kaga hadleen faa’iidooyinka abuuritaanka ganacsiyada gaarka loo leeyahay, iyo sida loogu baahan yahay in shuruucda dalkeena ee la xidhiidha maalgashiga gudaha iyo dibedaba u noqon lahaayeen kuwo soo jiidasho leh.

Jamaal Cali Xuseen, oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Ganacsiyada yaryar kaalin muhiim ah ka qaataan shaqo-abuurka caalamka, waxaana hadaldiisi ka mid ahaa,

"Ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe waxay hawlgeliyaan boqolkiiba konton 50% bulshada dalwalba oo caalamka ah, taasoo lama huraan u ah koboca dhaqaalaha dalalkaa.”

Mr. Axmed xasan Carwo, Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe oo kulanka ka hadlay ayaa ku booriyey ganacsatada maalgashiga dalka ka samaysay inay midoobaan, isla markaana xukuumada iyo Baanka dhexe xidhiidh yeeshaan, waxaanu yidhi,

"Inaad ururo samaysataan, oo dawlada la xidhiidhaan oo Baanka dhexe la xidhiidhaan waa muhiim

Dhinaca kale, madashii kulanka manta waxa lagu soo bandhigay badeecadaha iyo adeegyada ay sameeyaan qaar ka mid ah ganacsiyada gaarka loo leeyahay, kana mid ahaayeen, HOOYONIMO, madal laga helo agabka hayaanka hooyada, oo Khadija Dr Cabdillaahi Walaaleye abuurtay, AlphaTech, oo qalabka Elektorooniga guryaha iibiya, YAGLEEL, oo diyaariya madalada munaasibadaha kala duwan loo asteeyey, iyo kuwo kaloo dhamaantood kaalin ka qaatay shaqo-abuur dhalinyarada Somaliland ka heleen.

Bulshada Somaliland iyo guud ahaan Soomaalida ayaa lagu nisbeeyaa dad ganacsiyada abuuritaankooda u sahlan tahay, una baahan keliya dhiirigelin, laakiin, caqabado ka hortaagan saaxadii ganacsiga ayaa jira, oo baddi la xidhiidha jiritaan la’aanta shuruucdii loo baahnaa.


 

--
Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter
http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland