Guddoomiyayaasha Baarlamaanka maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug oo qaadacay go'aankii shirka Kismaayo

0
Tuesday September 11, 2018 - 08:12:24 in by salman abdi
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyayaasha Baarlamaanka maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug oo qaadacay go'aankii shirka Kismaayo

    Guddoomiyayaasha Baarlamaanka maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug oo qaadacay go'aankii shirka Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyayaasha Baarlamaanka maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug oo qaadacay go'aankii shirka Kismaayo

Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoogan oo u dhaxeeya mas’uuliyiinta qaar ka mid ah maamuladdii ku shiray Kismaayo ee Sabtidii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe ee federaalka.

Hoggaamiyayasha Hirshabeele iyo Galmudug oo ah labada maamul ee ugu da’yar guud ahaan marka la eego dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan, ayaa wajahaya markan culeys uga imanaya isla maamulka gudihiisa kaddib ku dhawaaqistoodii in ay xiriirka u gooyeen dowladda dhexe oo ay ku eedeeyeen fara-galin siyaasadeed iyo in ay ku guuldareysatay howlihii loo idmaday.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo maalintii shalay khudbad ka hor jeedinayay furitaanka Kalfadhigga Afaraad ee Golaha Shacabka oo ay fadhiyeen madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweynaha ayaa ka hor sheegay in Galmudug isku raacsaneyn warka ka soo yeeray Kismaayo oo sida uu hadalka u dhigay ay u arkayaan in lagu wiiqayo dowladnimada iyo jirintaanka Qaran Soomaaliyeed.

Si taa la mid ah guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah Hirshabeelle kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, diyaar-na u yihiin in ay sii wada-shaqeyn dhaxmarta.

Horay go’aanka hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada waxaa ugu gacan seyray madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey oo sheegay in shaqsi kaliya uusan ku hadli karin magaca dowlad gobolleedka Galmudug, sidoo kale waxaa go’aanka shirka ka hor yimid madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Camey oo ku tilmaamay war-murtiyeedka hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada ka soo baxay mid aan laga fiirsan oo lagu deg degay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u muuqday in uu riyaqay mowqifka guddoomiyayaasha labada Baarlamaanka ee Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa dhinaciisa ugu laab-qaboojiyay in dowladda diyaar u la tahay wadashaqeyn buuxda isaga oo yiri’’ " Guddoomiyeyaasha golaha shacabka Hirshabelle iyo Galmudug waxaan idiin sheegayaa in aan diyaar idiin la nahay in aan idin kala shaqayno danta guud”

Lama oga halka ay arrimuhu sal dhigan doonaan maalmaha iyo todobaadyada ina soo aadan, hasse ahaatee dadka sida weyn u daraaseeya arrimaha siyaasada ayaa qaba in shirkii Kismaayo uu dhaawac weyn ugu danbeyntii ku keeni doono jiritaanka is heysiga iyo wada jirka qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada oo haddaba la ciir-ciiraya khilaaf dhaxdooda ah.