War Deg Deg Ah:-Dowladda Finland oo shacabkeeda uga digtay baasaboorro wax ka khaldan yihiin.

0
Tuesday September 11, 2018 - 08:12:24 in by salman abdi
  • Visits: 359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Dowladda Finland oo shacabkeeda uga digtay baasaboorro wax ka khaldan yihiin.

    War Deg Deg Ah:-Dowladda Finland oo shacabkeeda uga digtay baasaboorro wax ka khaldan yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Dowladda Finland oo shacabkeeda uga digtay baasaboorro wax ka khaldan yihiin.

Booliska waddanka Finland ayaa ugu yeeray dadweynaha iney ka hubiyaan in baasaboorradooda ay yihiin kuwo khaldan oo aan lahayn calaamadaha saxda ah, maadaama arrintaas ay dhib u keeni karto marka ay safrayaan.

Taliska booliska ayaa sidoo kale amar ku siiyay ciidamada ilaalada xuduudaha in ay il gaar ah ku eegaan baasaboorrada u sameysan sida isdhaafka ah.

Warkaan oo ay soo tabisay warbaahinta dalka Finland ee Yle national broadcaster ayaa lagu sheegay in baasaboorradan ay u sameysanyihiin si daba-gedis ah ayna is daba marsanyihiin bogaggooda.

Waxaa soo baxday in calaamadaha si daba-gedis ah loo daabacay labo jeer oo tirooyin baasaboorro ah la soo kala saaray.

Baasaboorrada calaamadahooda ay is daba marsan yihiin ayaa ahaa kuwii soo baxay intii u dhaxeysay sannadihii 2012-kii ilaa 2016-kii.

Basaboorrada qaar, sawirkan ayaa fooraraLahaanshaha sawirkaFINNISH POLICE BOARD
Image captionBasaboorrada qaar, sawirkan ayaa foorara

Masuuliyiinta ayaa sheegay in baasaboorradii la soo saaray sanadkii 2017-kiina ay ku soo baxeen sawirka xayawaanka biciidka u eg ee geesaha waaweyn, halkii laga dhigi lahaa xayawaanka kale ee afka qalaad lagu yiraahdo Moose.

Intaas waxaa sii dheer in bogagga baasaboorka qaarkood aysan lambarradoodu sax u ahayn sida ay isugu xigaan.

'Wax aad looga caroodo'

In kastoo shirkaddii daabici jirtay baasaboorrada la baddalay sannadkii 2016-kii, haddana mar kale ayuu dhacay khalad ku saabsan calaamadaha baasaboorka dalka Finland.

Mika Hansson oo ah la taliye sare oo ka tirsan booliska ayaa warbaahinta Yle u sheegay in arrintaasi ay tahay "wax aad looga caroodo".


Baalasha marka la rogrogo waxaa kuu soo baxaya xayawaankan oo ordayaBaalasha marka la rogrogo waxaa kuu soo baxaya xayawaankan oo ordaya

Khaladaadkan dhanka calaamadaha ah been abuur kama dhigayaan baasaboorrada laakiin waxay caqabado ka noqon karaan dalalka dibadda.

Arrintaan ayaa booliska lagu wargeliyay bishii la soo dhaafay ka dib markii ciidamada ilaalada xuduudaha ee dalka Ruushka ay waddankooda u diideen shan ruux oo u dhalatay Finland oo watay baasaboorrada calaamadaha khaldan.

Baasaboorka dalka Finland ayaa lagu xardhay sawirro muujinaya dhulka duurka ah ee waddankaas.

Mid ka mid ah calaamadaha lagu gartana waa in sawirrada ay sidii muuqaal isku baddalaan marka la rogayo bogagga.

Qof walba oo dhib ku arka baasaboorkiisa waxaa lagu war galiyay inuu ku celiyo booliska oo ugu baddali doona si lacag la'aan ah.

Hase ahaatee baasaboorrada la baddalo ayaan soo billaabi doonin waqtiga ay sii jirayaan oo ah 10 sano, balse waxa ay ka billaaban doonaan waqtigii uu marayay baasaboorkii hore ee uu qofku heystay.