War Deg Deg Ah:-Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Oo Iminka Xilkii Laga Qaaday Iyo Sababta Xilka Looga Qaaday.
War Deg Deg Ah:-Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Oo Iminka Xilkii Laga Qaaday Iyo Sababta Xilka Looga Qaaday. Wararka naga soo gaadhayadegmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in xildhibaanno halkaa fadhi ku yeeshay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Xildhibaanno tiradooda lagu sheegay 147 oo kulan ku yeeshaan magaalada Dhuus-Mareeb ayaa 146 waxaa ay u codeeyeen in codka kalsoonida lagala noqdo guddoomiyaha.
Cali Gacal Casir ayaa isaga oo jooga magaalada Muqdisho ka sheegay in uusan aqoon-saneyn xildhibaanno ku sugan Dhuusa-Mareeb, isaga oo sheegay in xarunta baarlamaanka Galmudug tahay degmada Cadaado.
Lama oga rasmi ahaanshaha tiradan la sheegay in ay u codeeyeen xil ka qaadista guddoomiyaha, hasse ahaatee dhawaan ayaa la sheegay in xildhibaanno gaaraya 89 mudane mooshin ka keeneen guddoomiyaha.