Somalia:-Bankiga Aduunka oo sheegay in uu kocbay dhaqaalaha Soomaaliya

0
Friday September 14, 2018 - 10:51:29 in by salman abdi
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:-Bankiga Aduunka oo sheegay in uu kocbay dhaqaalaha Soomaaliya

    Somalia:-Bankiga Aduunka oo sheegay in uu kocbay dhaqaalaha Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia:-Bankiga Aduunka oo sheegay in uu kocbay dhaqaalaha Soomaaliya

Bankiga adduunka oo dabaacay warbixintiisii saddexaad ee la xiriirta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkan kordhi doono Saddex ilaa Afar boqolkiiba.

Warbixintan ayaa timid iyada oo sanadkii hore Soomaaliya ay ku habsatay abaar si weyn waxyeelo ugu geysatay xoolaha nool, gaar ahaan dhulka reer miyiga, waxaana bankiga adduunka uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkii hore kordhay 2.3%, halka midkii kaas ka horeeyay 2016-kii uu dhaqaalaha ahaa 4.4%.

Bankiga adduunka ayaa sheegay inrintaasi ay muujineyso sida ay abaartu u keentay dib u dhac dhinaca dhaqaalaha ah, waxaana dhaqaalaha Soomaaliya uu taariikh ahaan ku tiirsana dhoofka xoolaha.

Wakiilka bankiga adduunka ee Soomaaliya ayaa yiri "Waa warbixin aan dooneyno inay soo baxdo Lixdii bilood ee kasta, warbixin kasta waxa ay leedahay mowduuc hoos loogu eego, warbixintan waxay si gaar ah u eegeysaa lacagaha la isku weedaarsado telefoonada, fariinta dhaqalaha ee warbixintan ay dirreyso ayaa waxa ay tahay abaartii sanadkii hore dhacday in ay hoos u dhac ku keentay dhaqaalaha”.

Warbixinta bankiga adduunka ayaa waxa ay si weyn u ammaantay kobaca iyo doorka dhaqaalaha ee hananka lacagaha la isugu weedaarsado telefoonada hadii ay ahaan laheyd xawilaadaha iyo wax kala iibsigaba.

Waxaa bankiga adduunka uu sheegay in bishii uu sareeyo 155 Million is weedaarsi lacageed ama wax kala iibsasho la isugu gudbiyo telefoonada, taasi oo ku fadhida aduun dhan 2.7 Bilyan oo dollar bishii, wuxuu kaloo bankigu tilmaamay in lacagaha telefoonada ay ka xoog bateen lacagaha waraaqda ah ama cadaanka ah ee ka jira Soomaaliya.

"Caqabado badan ayaa ka jira Soomaliya oo dhanka amniga iyo siyasadda la xiriira, waxa keliya ee si wanaagsan u shaqeeya waa dhaqaalaha ku saleysan shirkadaha gaarka ah, ganacsiga gaarka loo leeyahay wuxuu wax weyn ka qabtay dhaqaalaha Soomaaliya, kala wareejinta lacagaha ee dhinaca telefoonada Soomaaliya waa mid ka mid ah talaabooyinka ugu horumarsan dunida, waxayna taasi fursad u tahay kobaca dhaqaalaha”. ayuu mar kale yiri wakiilka bankiga adduunka ee Soomaaliya.

Warbixinta oo laga sii daayay Idaacada VOA ayuu sidoo kale Bankiga adduunka wuxuu sheegay wax-yaabaha nugeylka u keenaya in ay ka mid yihiin cilad ka imaaneysa in qofka wax iibsanaya aanu jirin hab difaacaya hadii uu muran dhaco ama in kan wax diraya uusan aqoon dadka uu wax u dirayo iyo in bankiga Soomaaliya uusan wax la socod ah ku laheyn hanaankan, waxaana bankiga uu soo jeediyay intaasi ay u baahan tahay sharci dejin,