Soomaliya:Maamulada Gobaladeedyada Soomaliya Oo Dalbaday Cid Dhex Dhexaadisa Iyaga Iyo Farmaajo.
War-murtiyeed ka soo baxay madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu sheegay in ay nasiib daro tahay in intii dowladda dhexe laga sugayay "jawaab ku haboon tilmaamihii iyo talooyonkii" ku jiray war-murtiyeedkii shirkii Kismaayo ay badalkeeda dowladu "qaadeyso tallaabooyin isdaba joog ah oo xaaladaha uga sii dareya taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in go'aamo deg dega oo dalka lagu bad baadinayo la qaato."
Waxa ay sheegeen in ilaa iyo hada jawaabta ka soo yeertey dowlada dhexe ay tahay warqad ka timid madaxweynaha oo uu shir isugu yeerayo Golaha Amniga Qaranka oo caadi ah, sida bey yirahdeen iyada oo aysan wax dhib ah jirin.
Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa soo jeediyay in ay soo dhoweynayaan in wadahadal iyo wada xaajood lagu dhameeyo khilaafyada u dhexeeya iyaga iyo dowlada dhexe, waxa ayna taasi shuruud uga dhigeen "in Dowladu joojiso faragalimaha qaawan ee ee joogtada ah ay ku wado arrimha gudaha ee dowlad Goboleedyada."
Sidoo kale waxa ay sheegeen in loo baahan yahay "daraf saddexaad oo door dhexdhexaadin, iyo damaanad qaade ka ahaada shir kasta oo arrimhan looga wada hadlayo," maadaama bey yirahdeen "arrimaha taagan dhowr jeer oo hore looga hadlay Golaha Amniga Qaranka, waxna aysan ka fulin ballamadii laga galay xallintooda."
Waxaa kale oo ay dalbadeen in sababo amni awgood ay tahay in la isla meel dhigo goobta shirka uu madaxweyne Farmaajo iclaamiyay ka dhacaayo iyo suggidda amniga goobtaasi.
Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa shirkoogii Kismaayo ku gaaray go'aan ah in ay hakiyaan xiriirkii wada shaqeynta ee ay la lahaayeen dowladda federaalka. Balse Isla markiiba waxaa arrintaasi ganafka ku dhuftay madaxweyne ku xigeennada laba ka mid ah maamul-goboleedyadaas - Puntland iyo Galmudug.
Khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa markiiba saameyn toos ah ku yeeshay maamul goboleedka Galmudug oo qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka.
Guddoomiyeyaasha baarlamaannada Galmudug iyo Hirshabeelle oo 10-kii bishan khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay la shaqaynayaan dawladda federaalka.
Dhowr goor oo hore ayey siyaabo kala duwan isugu dheceen maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya.
Soomaliya:Maamulada Gobaladeedyada Soomaliya Oo Dalbaday Cid Dhex Dhexaadisa Iyaga Iyo Farmaajo.
Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay iska dhega tireyso go'aanadii ka soo baxay shirkii golaha iskaashiga maamul goboleedyada ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay Kismaayo.