London:-Ingiriiska oo digniino dhanka safarka ah u jeediyay muwaadintiisa ku sugan Itoobiya

0
Saturday September 15, 2018 - 09:53:56 in by salman abdi
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    London:-Ingiriiska oo digniino dhanka safarka ah u jeediyay muwaadintiisa ku sugan Itoobiya

    Bayaan kasoo baxay xukuumadda UK ayaa lagu sheegay inay rabshado ka dhici karaan magaalada Addis Ababa oo ay ka jiraan isu soo baxyo lagu soo dhawaynaya hoggaamiyeyaasha Ururka Xoreynta Oromada oo la filaya in maanta ay soo gaaran dalka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan kasoo baxay xukuumadda UK ayaa lagu sheegay inay rabshado ka dhici karaan magaalada Addis Ababa oo ay ka jiraan isu soo baxyo lagu soo dhawaynaya hoggaamiyeyaasha Ururka Xoreynta Oromada oo la filaya in maanta ay soo gaaran dalka Itoobiya.


Dalka Britain ayaa muwaadinitiisa ku sugan dalka Itoobiya uga digay inay tagaan goobaha isu soo baxyada ay ka dhacayaan maanta islamarkaasna ay feejignaadaan.

Shaqaalaha u dhashay UK ee dalkaasi joogo ayaa lagu la taliyay inaysan tegin fagaaraha Meskel ee ku yaalla magaalada Addis Ababa halkaaso maanta ay taageerayaasha Oromada ay munaasabad soo dhawayn ah ugu qabanayaan hoggaamiyeyaasha ururka OLF.

Deegannada digniinta laga soo saaray waxaa kamid ah.

Deegaannada Akobo, Wantawo, Jikawo ,Lar, Nuer Jore woreda oo ka tirsan maamulka Gambeelada.

Nogob, Dhagaxbuur, Godey, Qoraxeey iyo Doolow oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale waxaa kamid ah deeganno qaar ah oo ku yaalla xadka Itoobiya uu la wadaago dalalka South Sudan, Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Calanka jabhadda OLF oo dhismayaasha Addis Ababa ka babbanayoLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionCalanka jabhadda OLF oo dhismayaasha Addis Ababa ka babbanayo

Hadalkan kasoo baxay dowladda UK ayaa kusoo begmaya xilli maanta magaalada Addis Ababa ay soo gaarayaan Jabhadda Oromada ee OLF oo ku dhawaad nus qarni dagaal hubeysan kula soo jirtay dowladda Itoobiya.



Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Addis Ababa ay ka dhaceen rabshado kaddib markii ay isku gacan qaadeen taageerayaasha Jabhadda Oromada ee OLF iyo dhalinyaro ka soo horjeedda.

Taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF oo isku dayay calanka dalka meela uu ku buufsanaa iney ku beddelaan calanka jabahadda OLF ay leedahay halkaasina iska horimaad uu ka dhashay.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay calanku inuu yahay astaan uu dal ama xisbi siyaasadeed uu u adeegsado in lagu aqoonsado, cid walbana waxay xaq u leedahay iney aragtida siyaasadeed ee ay aminsan tahay ay si xor ah u soo bandhigto, xorriyaddaasina waxaa ka mid ah calanka.