Hargaysa:-Madaxweyne Biixi Oo Dalacsiiyay Askari Ka Tirsan Ciidamada Booliiska

0
Saturday September 15, 2018 - 16:26:55 in by salman abdi
  • Visits: 398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Madaxweyne Biixi Oo Dalacsiiyay Askari Ka Tirsan Ciidamada Booliiska

    Madaxweyne Biixi Oo Dalacsiiyay Askari Ka Tirsan Ciidamada Booliiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Oo Dalacsiiyay Askari Ka Tirsan Ciidamada Booliiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-197/092018, waxa uu derajo ciidan oo ah dalacsiin Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadd Somaliland, lana siiyey derajada uu mudan-yahay oo ah Xidigle oo uu madaxweynuhu hore balan qaad ugu sameeyey mar uu ka qayb-galay qalin-jebintii Jaamacadda Hargeysa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Bixin Derajo

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad;

Markaan Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee ay Ciidanku u hayaan dalka;

Markaan Ku Qancay: In bixinta Derajadu ay kor u qaadi doonto milgaha, sharafta iyo  haybadda Dawladnimo;

 

Markaan Tixgaliyey: Hawl-karnimadiisa, Dedaalka iyo
Daacadnimadiisa;


Waxaan Go’aansaday;

In aan dalacsiiyo Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax, oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, qaybta nabadgelyada Waddooyinka, lana siiyo derajada uu mudan-yahay oo ah Xidigle.


ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland