Nigeria :-Wasiir Ka Mida Wasiirada Wadanka Nigeria Oo Is Casilay.
Wasiirka maaliyadda dalka Nigeria ayaa xilkii iska casishay kadib markii ay soo baxeen eedaymo ku saabsan waraaqo been abuur ah.
Kemi Adeosun ayaa isku casishay eedaymo sheegaya in ay adeegsatay shahaadooyin been abuur ah si ay uga dheeraato ka qayb galka barnaamijka adeegga dhalinyarada qaranka.
Iscasilaadda Ms Adeosun ayaa timid bilo uun kadib markii warbaahinta maxaliga ahi ay soo bandhigtay su'aalo fara badan oo ku aaddan in shahaadadeedu ay sax tahay.
Wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa haysata labo dhalasho oo kala ah Britain iyo Nigeria waxayna UK ku noolayd tan iyo 34 jirkeedii.
Nigeria :-Wasiir Ka Mida Wasiirada Wadanka Nigeria Oo Is Casilay.
Wasiirka maaliyadda dalka Nigeria ayaa xilkii iska casishay kadib markii ay soo baxeen eedaymo ku saabsan waraaqo been abuur ah.